|

MUCAARADNIMADU YEY BURBURIN JIRITAANKEENA SOMALINIMO !

Mucaaradnimadu waa mid ka mida hababka wax lagu soxo inta badana waxaa sameeya qof ama kooxi diidio hab-howleed ama hab-siyaasadeed  jira. isagoo/iyagoo uga gol leh in sidaa si ka duwan wanaag horseedi karto hufnaan iyo cadaaladna lagu wada baraari karo. Somalidu wexey marin habaabiyaan hannaanka mucaaradnimada wexeyna inta badan ku qotomiyaan ujeedooyin ciriira, dano gaara iyo fulinta ajandayaal shaqsiyadeed ama mid dibadeed. Ujeedooyinka wax loo mucaarado wey kala duwanaan karaan balse waxaan tilmaamayaa astaamaha mucaaradnimada wax lagu sixi karo .
1. In mucaaradnimada ama isbedel-doonistu ujeedadeedu tahay in wax lagu dhisayo ama hannaan jira lagu kobiciyo ee aysan noqon in wax lagu dumiyo, bulsho lagu wax yeeleeyo, dana debadeedna  aan loogu adeegin shar iyo colaad lagu baahinayo.
2. In mucaaradnimadu daacad tahay carrab dhowrsanaana weheliso. Qofka/kooxda wax mucaaradaya waa iney daacad iyo wax wanaajis ka tahay ee aysan ka ahayn qof jeclaysi iyo danaysinimo, waana iney jiraan xaqiiqooyin ay ku cadaynayaan waxyaabaha ay lid ku yihiin. Waana iney u maraan hab aragti furaan iyo aqoon is weydaarsi ah si loo helo taageerayaal ku garab istaaga waxa ay diidanyihiin/mucaaradayaan.
3. Iney dulqaadkeeda leeyihiin culaysya badana u dulqaadan karaan waayo  nidaamka aad kasoo horjeedaa wuxuu adeegsanayaa habab ku curyaamin kara ama niyad jabna kugu abuuri kara.
4. inaad geesinimo wehelisaa si bareere ahna u oran kadhaa qorshayaashaada ama tabashooyinkaaga, adigoo  xeerinayn shuruucda caalamigaa ama xeerarka aad ka anba qaadayso, waana inaad u fekedhaa  si aragti fog, marwalba waafaqsan nidaam-samida aad damacsantahay.
5. hadaad mucaarad tahay waa inaad ku astaysan tahay run, ammaano iyo Caddaalad. Siiba hadaad qof  muslima tahay waa inaad ka run sheegtaa eedaymaha aad u jeedinayso qofka/kooxda lidkaaga ah, waana inaad ammaano u leedahay heshiisyada iyo is-afgaradka aad dadkaaga u balan qaadayso, caddaalada iyo sinaantuna ku hogaamisaa. Si kuwaan loo xaqiijiyona waa in  mucaaradku helaan tababaro, waaya aragnimo iyo kala mudnaan siinta howlaha mucaaradka.
6. Waa in mar walba is-cafinta iyo isu-dulqaadashadu hoggaamisaa mucaaradnimada ee aysan ku qotomin dhuminta dhammaan wanaaga dhinaca kale waayo marar badan waxa idin mideeya ayaa ka badan waxa idin kala fogeeya.
Qoraalkaaan aan ku bidhaamiyey mucaadnimada wax saxda ducaan kusoo afmeerayaa, Ilaahow weynow waaxido berriga isfahanka, isjacaylka bulsho iyo midnimo wadan nabad nagu gaarsii duufaanaha iyo mowjadaha qabyaaladda, danaysinimada iyo dana u adeegidana naga tartiibi.
Abdi Aziz Bandiirad
Bandiirad16@gmail.com
Facebook: Abdi Aziz Bandiirad
Qaraa, arimaha bulshada ka faalooda.
Kuala Lumpur, Malaysia.

Comments are closed