|

Dibad-baxyo Ballaadhan Oo ay Dhigeen Shaqaaleweynaha Maamulka Puntland Iyo Cabasho Mushahar La’aaneed Oo Taagan

Garowe:Dec,25,2014(SDN/QJ)-Cabasho xooggan  oo la xidhiidha dhinaca mushaharka, ayaa kasoo yeedhaysa shaqaaleweynaha Maamulka Puntland,waxana ay magaalada Garowe ka dhigeen Dibad-bax ballaadhan oo ay arrintan kaga cabanayaan xilli xukuumaddu ku baaqday  inay imtixaan ka qaadayso.

mushoDibadbaxayaasha oo watey boodhadh ereyo dareenkooda ka cabirayaa ku qoran yihiin ayaa isugu soo ururay fagaaraha Barxadda, halkaasoo markii dambe ay warbaahinta kula hadleen.

Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada Qorsheynta Caduur Aadan Caduur oo ku hadlayey afka shaqaalaha ayaa sheegay in dowladu wado qorshe la doonayo in shaqada looga fadhiisiyo qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo muddo dheer soo shaqeynayey iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo imtixaan lagu hubinayo tayada iyo aqoonta shaqaalaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caduur ayaa dhanka kale sheegay in shaqaalaha dowladu dulman yihiin islamarkaana xuquuqdooda la siin isagoo ugu baaqay Madaxweyne Gaas inuu il gaar ah ku fiiriyo cabashada shaqaalaha.

Dibadbaxan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah wuxuu kusoo aadayaa xilli in badan oo kamid ah shaqaalaha dowladu muddo bilo ah wax mashaharaad ah qaadan.

Shaqaalaha hay’adaha garsoorka ayaa maalintii sideedaad shaqo joojin ku jira waxayna sheegeen inaanay shaqada soo geli doonin ilaa iyo inta xuquuqda ka maqan laga siinayo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed