Maraykanka Oo Luuqad Adag Ku Canaantay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ra’isal wasaarihiisa
Washinton:Dec,25,2014(SDN/QJ)-War kasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa lagu canaantay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal wasaarihiisu inay ka shaqeeyaan Horumarinta Hay’adaha kala duwan ee Dalka.
Warkan qoraalka ah ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu ku dedaalo sidii Horumar Muuqda loo gaadhsiin lahaa dalka, isla-markaana looga faa’iidayn lahaa wakhtiga yare e ka hadhay Muddada sharciga ah ee wakhtigooda,
“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha,ra’iisal wasaaraha iyo Golaha wasiirada inay talaabo dhanka hormarka horay u qaadaan taasi oo lagu dhabeynayo howsha muhiimka ah ee la doonayo in dalka gaarsiiyo sida dib u habeynta Dastuurka,sameynta maamul goboleedyada,iyo kuwo kale badan ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Mareynkanka.
Sidoo kale,Afhayeen Jen Psaki ayaa hoosta ka xariiqay maamulka Obama uu soo dhaweynayo Qorshaha Baarlamaanka ay shalay ku ansixiyeen ra’iisal wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Dowlada Mareynkanka ayaa shaacisay inay sii wadeyso taageerada ay siiso xukuumada Soomaaliya iyo Shacabkeeda.
SDN/QJ