|

Daacish Oo Dhulka Soo Dhigtay Diyaarad Dagaal Oo Jordan Leedahay, Duuliyihii Wadayna Nolol Ku Qabatay

Raqah:Dec,25,2014(SDN/QJ)-Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish, ayaa soo bandhigay Diyaarad Dagaal oo ay soo rideen xilli ay duqayn ka wadday Goobo ay maamulaan, iyagoo sidoo kale Warbaahinta Horkeenay Duuliyihii Diyaraddaas oo ay Nolol ku qabteen.

t5Sida uu xaqiijiyay Ururka xuquuqul Insaanka ee Suuriya oo fadhigiisa yahay dalka Uk diyaaradan ayaa la rumeysan yahay inay leeyihiin mid ka mid ah dalalka Carabta.

Sawiro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay duuliyaha diyaarada la soo riday oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada IS.

Duuliyahan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Urdun, oo ka mid ah afar dal oo carbeed oo Mareykanka kula wehelinayay dagaalka ka dhanka ah ISIS.

War kooban oo kasoo Baxay Militeriga dalka Jordan, ayaa lagu qiray in Duuliyahaas iyo Diyaaradaasi ay dalkooda kasoo jeedaan, waxana ay intaas raaciyeen inuu gudanayey shaqadii qaran ee loo igmaday.

Bishii Augot ayay aheyd markii Mareykanka iyo dalal isbaheysi la ah ay bilaabeen duqeymo cirka ah oo ka dhan ah dowladda islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed