Dhoola Tuska Wasiir Samaale+ Madal Il yartu is qabatay Iyo Soo Bandhigida Hankiisa Siyaasi DAAWO
Hargeisa 24/12/2014 (SDN/QJ)- Shir aad u Balaadhan oo lagu Taageerayay Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye ee Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale laguna qaadacayay Go’aan ay qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka ee Beeshaasi ku sheegeen in Gudoomiye Muuse Biixi uu yahay Murashaxa Beeshu isku raacsan tahay ayaa Maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimada Hargaysa .
Kulankan oo ahaa Mid Ilyartu is qabatay Waxaa ka hadlay Siyaasiyiin,Salaadiin,Cuqaal,Waxgarad,Culimo iyo dhallinyaro ka soo jeeda beesha ku tartamaysa Musharaxnimada Kulmiye Madaxweyne Siilaanyo kadib,Iyagoo Si Cad u sheegay inay Taageersan yihiin Murashaxnimada Wasiirka Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale .
Hargeisa SDN/Qj
Concat@Somlidiasporanews.com