Shariif Xasan Oo Villa Somalia U Jooga Sidii Xubno Muhiih ah uu Ugu Yeelan Lahaa Xukuumadda Cusub Iyo Magacyada Shakhsiyaadka uu Wato
Muqdisho:Dec,20,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha K/Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ku sugan Madaxtooyada Somalia, isagoo kulamo kala duwan halkaas kula Lehh Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay.
Sida ay sheegayaan wararka ku dhaw Madaxtooyadu, waxa uu shariif xasan Sheekh Halkaas u joogaa sidii uu Golaha wasiirrada cusub ugu yeelan lahaa xubno muhiim ah, isla-markaana xubnahaasi u noqon lahaayeen qaar isaga doorashadiisa ku yimi.
Arrinta ugu weyn ee uu shariifku gorgortanka ku geli doono aya aahh sidii Madaxweynihii lixda Gobo lee isaga ka horreeyey Madoobe Nuunow looga dhigi lahaa Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, maadaama hore looga qaaday Madaxweynenimadii uu sheegan jirey, isla-markaana loogu carrab laabay in Golaha wasiirrada cusub goob muhiim ah laga siiyo.
Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu tani ku qancinayo Madoobe Nuunoow, kadib markii ay ku ballameen arrintan, si uu uga tanaasulo maamulkii lixda gobol.
Arrintani ayaa muujineyso awoodaha qarsoon ee Shariif Xassan uu ku leeyahay Xarunta Madaxtooyada waxa ayna ka turjumeysaa in DF Somalia ay xiligani ahmiyad gaar ah siineyso Siyaasadaha Madaxweynaha Mamaulka 3-Gobol ee Somalia.
Waxaa sidoo kale xusid mudan inuu kaalin buuxda ka qaatay keenista Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo la sheegay in isaga uu wato-markaana ay saaxiib dhaw ahaayeen muddo badan.
SDN/QJ