|

Meydka 8-Carruur ah Oo 7-kamid ahi Walaalo ahaayeen Oo Laga Soo Saaray Aqalka Ku Yaalla Asutralia iyo Hooyadii Dhashay Oo Dilkooda Looga Shakiyey

Carnsi:Dec,20,2014(SDN/QJ)-Aqal ku Yaalla Dalka Australia, ayaa waxa laga helay Meydka Siddeed carruur ah oo Toddoba kamid ahi walaalo ayaayeen oo lagu dilay middi iyo Hooyadii dhashay oo dhaawac qabta.

badrSarkaal u hadlay booliiska ayaa sheegay inay Hooyadii ubadkan dhashay soo miyirsatay oo ayna hadda la hadlayso booliiska iyada o ku jirta Isbitaalka halkaas oo lagu ilaalinayo.

Maydadka sideed carruur ah oo kala jira 18 bilood ilaa 15 sano ayay booliisku heleen, markii la soo gaadhsiiyay warbixin sheegaysa in ay gurigaasi joogto islaan dhaawacyo halis ah qabta.

Booliisku waxa ay sheegeen in ay guriga ka soo saareen hub iyo macluumaad ku filan.

Dhacdadani waa mid kamid ah dil wadareedkii ugu darnaa ee ka dhaca Uastralia, sideed ilmood oo mayd ah ayaa laga helay guri.

Kan ugu yar waxa uu jiray 18 bilood, kan ugu wayna waa 15 sano. Waxaa la rumaysanyahay in todobo kamid ah caruurta ay walaalo yihiin.

Hooyada ayaa loo xidhay dilka caruurtaasi, waxaana lagu ilaalinayaa Isbitaal, iyadoo Boolisku ay qabaan tuhun ah inay dilkaas geysatay.

Rai’sal wasaaraha Australia, Tony Abbot waxa uu sheegay in tani ay tahay ”dambi aan wax lagu tilmaamo lahayn” taas oo sababaysa murugo caloolxumo leh” oo wadanka oo dhan ah.

Australia waxa soo maray todobaad argagax leh, waxana isbuucan la kawsaday weerarkii lagu qaaday Cafateeriyada Sydney, waxa uuna ku soo gabagaboobay geerida ku timid caruur badan oo ka dhacday guri ku yaala Keensi.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed