Mgaalooyinka Hargeysa iyo Adis Ababa oo iskaashan doona
Adis Ababa Dec 20,2014(SDN/QJ)- Duqa magaalada Hargeysa iyo dhigiisa Cabdiraxmaan Maxamuud Ceydiid Solteco iyo dhigiisa Adis Ababa ayaa kulan ay yeesheen iskula qaatay in labada Casimadood la maataaneeyo.
Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku sexeexan yahay Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye oo sidan u qornaa:
“Maayarka caasimadda Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hawlo shaqo u jooga magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa kulan aad u balaadhan kula qaatay xafiiskiisa Maayarka magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa, Kuma Demksa.
Kulankan oo qaatay saacad iyo badh uuna ku wehelinayey Maayarka Hargeysa, wakiilka Somaliland ee Waddanka Ethiopia Ayaanle Salaad Diiriye, waxay labada maayor kaga wada hadleen guud ahaan xidhiidhka laba dal ee walaaaha ah ee Ethiopia iyo Somaliland, iyo gaar ahaan sidii iskaashi iyo xidhiidh wax wada qabsi u dhex mari lahaa dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Addis Ababa.Maayor Caydiid wuxuu dhigiisa ka codsaday in Dawlada Hoose ee Addis Ababa wax kala qabato kordhinta tababarada iyo xirfadaha shaqaalaha dawlada Hoose ee Hargeysa, sida ururinta cashuuraha, dhisidda waddooyinka xaafadaha dhex mara ee dhagaxa la qoray ah iyo hagaajinta qorshaynta magaalada.
Maayor Kuma Demksa, ayaa isaguna aqbalay codsiyada Maayor Cabdiraxmaan, oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay arrimahaas wax kala qaban doonaan.Kulankan oo ku soo dhamaaday Is af garad buuxa, waxay iskula qaateen labada Maayar in la mataaneeyo labada magaalo madax ee Hargeysa iyo Addis Ababa.Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ugu dambayntii ku casuumay Maayar Kuma Demksa inuu booqasho ku tago magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, taas oo uu Maayor Kuma-na aqbalay inuu booqasho ku iman doono Hargeysa. Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay hawlo shaqo u jooga dalka Itoobiya, isagoo ka soo laabtay socdaal shaqo uu ugu maqnaa xarunta dalka Kenya ee Nairobi.”
SDN/QJ-Adis Ababa