Hindise-sharciyeed Halis Ku Ah Shaqada Saxaafadda iyo Xuquuqda Aadamaha Oo Baarlamaanka Kenya Ansixiyeen, Una Gudbay Dhinaca Madaxtooyada
Nairobi:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Aqalka Baarlamaanka Kenya, ayaa Madaxweynaha u gudbiyey Hindise-sharciyeed Dood Badan iyo Muran ka dhex abuuray Bulshada Reer Kenya, kaas oo la sheegay inuu ballaysin ka noqon dhaqdhaqaaqyada kooxaha Mintidiinta ahi ka wadaan Gudaha Waddanka kenya.
Hindise-sharciyeedkan, ayaa ka hor intii aanu u gudbin Madaxweynaha, waxa uu Baarlamaanka dhexdiisa ka dhex dhaliyey muran iyo isku dhac keenay in Mudanayaasha feedh isla dhacaan, sida warbaahintu baahisay.
Sharciga cusub, oo la soo qaddimay kadibweerarro xidhiidh ah oo ay Kenya ku qaadeen xagjiriinta al-Shabaab, ayaa siinaya mas’uuliyiinta amniga awood dheeri ah oo ay ku hayaan dadka lagu tuhunsanyahay argagixisannimada isla markaana ku dhimaan xoriyadda saxafiyiinta haddii loo arko in ay “wiiqayaan” baadhitaannada.
Xildhibaannada mucaaradka oo u soo guntaday in ay hor istaagaan codeeynta ayaa weerar ku soo qaaday halka laga hago doodaha iyada oo ay iilaaladuna isku dayeen in ay difaac uga noqdaan Afhayeenka Barlamaanka Justin Muturi buug, dokumentiyo iyo agab kale oo lagu soo tuuryeeyay iyada oo ugu dambeeyntiina codeeyntii ay socotay galinkii dambe.
Jawaabihii “Haah”-da ahaa ee ay xubnaha xisbiga talada haya ka bixinayeen anxisinta qodobbada kala duwan ayaa aad u adkeeyd in la maqlo iyada oo ay meesha ka jireen orin aad u dhawaq dheer, sawaxan iyo heeso ka soo baxay kuraasta mucaaradka.
Sida ku cad hindise-sharciyeedka, ayaa saxafiyiinta waxa lagu xukumi karaa saddex sano oo xadhig ah haddii ay warbixinadoodu “wiiqayaan baadhitaannada ama howlgallada ammaan ee la xidhiidha xagjirnimada,” ama haddii ay daabacaan muuqaallada dhibanayaasha argagixisannimada iyaga oo aan oggolaasho ka haysan bilayska.
Mucaaradka ayaa ku dhaartay in ay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah si ay u buriyaan sharcigan. “Bulshada rayidka ah iyo ruuxeenna ayaa tagi doonnaa maxkamadda si aan uga dhiidhinno in hindise-sharciyeedku yahay mid aan dastuurka waafaqsaneyn,” ayuu yidhi hoggaamiyaha isbaheeysiga mucaaradka Moses Wetangula.
Arbacadii ayaa sagaal dal, oo ay ku jiraan Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska, waxay si wadajir ah u soo saareen hadal naadir ah oo ah ku muujiyeen welwel ay ka qabaan hindise-sharciyeedka.
“Waxa muhiim ah in hindise-sharciyeedku, isaga oo dhinac xoojinaya ammaanka, uu dhinaca kale ixtiraamo xuquuqda aadanaha iyo mas’uuliyaadka caalamiga ah,” ayuu yidhi bayaanku. “Ilaalinta dastuurka iyo xagsashada xuquuqaha madaniga ah iyo dimuqraadiyadda waxa ay ka mid yihiin qaababka ugu wax tarsan ee loo xoojiyo ammaanka.”
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay xildhibaannada in ay ansixiyaan hindise-sharciyeedka si uu hub cusub ugu noqdo khataraha ammaan ee horyaal dalka, khaasatan halista ka imanaysa al-Shabaab.
“Ma jiraan wax looga baqo hindise-sharciyeedkan haddii aadan ku howlaneeyn howlo dambiilenimo,” ayuu yidhi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com