Akhri Magacyada Qaar Kamid ah Golaha Wasiirrada Oo uu Magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan
Muqdisho:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Shariif Xasan sheikh Aadan, ayaa shalay galab ku dhawaaqay xubno kamid ah Golihiisa Wasiirrada oo muddooyinkan laga sugayey, iyadoo kuwa kalena dhawaan la shaacin doono.
Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya,waxa uu magaalada Baydhabo kasoo saaray Degreeto ay ku qoran yihiin kaliya afar Wasiir oo kamid Noqon doona Golihiisa Wasiirrada Soo socda, waxana ay kala ahaayeen sidan soo socota:
1-Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose, Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan
2-Wasiirka maaliyadda Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur
3-Wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Axmed Sheekh Xasan Fiqi.
4-Wasiirka beeraha Maxamed Xasan Fiqi.
Afhayeenka maamulka, Siyaad Sheekh Cumar Daahir ayaa akhriyay digreetada lagu magacaabay xubnaha golaha wasiirrada cusub.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo marti-sharaf kale ayaa goob joog ahaa dhacdadii shalay ee lagu shaaciyay wasiirrada cusub.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay inuu dhowaan dhammaystiri doono golihiisa wasiirrada.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com