Mareykanka oo sheegatay in madax sare ka dilay Daacish
Washington Dec 19,2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay duqeymo ay ku qaaday degaanada kooxda Daacish ka arimiso ay ku dilshay madax sare oo kooxdaas ka mid aheyd.
“Waxaan xaqiijiin karaa ilaa bartamihii November in duqeymaha huwanta marekanku hogaaminayo ay fuliyeen in lagu dilay madax sare oo Dacaash hogaamisa” sidaa waxa yiri Admiral John Kirby
Hadalkan ka soo baxay ciidamda Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xili kooxda Daacish la hakiyay isbalaarintoodii xawliga ku socotay bartamihii sanadkan.
“Waxaanu aaminsan nahay in dilka aanu madaxdaa Daacish u geysanay in ay hoos u dhigeyso awoodii ciidamada Ciraaq” sidaawaxa mar kale ku celiyay Admiral Kirby.
Hogaamiyaha ugu sareeyay ee laga dilay Daacish ayaa lagu sheegay in uu ahaa Xaaji Mutazz oo ahaa ku-xigeenkii Abu Bakar Al Baqdaadi, sidoo kale waxa Iyana la dilay saraakiil sare oo ay ka mid ahaayeen Cabd Abacis iyo Radwin Talib.
Madaxa ciidamada Mareykanka Gen Martin Dempsey ayaa barta internet ka ee Wall Street Journal u sheegay in ay bar tilmaansadeen hogaanka Daacish,
SDN/QJ-Washington
contact@qurbejoog.com