|

Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Sheegay In Khilaafkii Madaxweynaha Iyo Ra’isal Wasaaruhu Soo Noqon Doono, Hoostana Ka Xarriiqay Xalka Lagaga Bixi Karo Dhibkaas

Muqdisho:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ahaa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa Muujiyey Walaaciisa uu ka qabo in muranka caadada u ah Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaruhu uu markale soo noqdo haddii aan Xaal waara loo kala samayn labada masuul.

ismaaIsmaaciil Hurre Buubaa oo la Hadlay qaarka mid ah warbaahinta, ayaa tilmaamay in xalka kaliya ee Labadaas masuul kala badbaadin karaa uu yahay Samaynta Maxkamad Distoori ah oo waddanka laga sameeyo oo marjac u noqota dhammaan murannada sharci ee hoggaanka dalka soo kala dhexgalay.

“Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ma dhammaan doono, haddii aan la dhisin Maxkamad Dastuuri ah.” Ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Mudane Hurre oo sii wada Sharraxaada Xalka uu u hayo khilaafyada soo noqnoqda ee Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha u dhexeeya, ayaa yidhi,

“Haddii aan la dhisin Maxkamad Dastuuri ah Ra’iisal Wasaaraha cusub wuxuu mari doonaa meeshii ay mareen kuwii kale ee ka horeeyay.”

Buubaa, ayaa xusay inaan laga gudbi doonin is qab qabsiga ragaadiyay Hay’adaha Dowladda, iyadoo aan la helin Maxkamadii Dastuuriga ee lagu kala saari lahaa Madaxda Dowladda, haddii ay is qab qabtaan.

“Dhibka iyo khilaafka waa taagnaan doonaa, maxaa yeelay wixii lagu kala bixi lahaa waa Maxkamada Dastuuriga, iyadana ma dhisna.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Buubaa.

Isagoo fariin u diraaya Baarlamaanka waxa uu yidhi “Baarlamaanka waa inay ka fekeraan Dhismaha Maxkamada Dastuuriga, waayo qofkii Dastuurka ku xad-gudba Maxkamada ayaa tallaabo ka qaadeyso.”

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed