WARSAME IYO WARMOOGE SIDAN MA ISKU DHAANAA!
Warsame iyo Warmooge waa laba oday oo saaxiib ah mana heshiiyaan mana kala tagaan, kaftanka iyo sheekaduna waa u dhex, waxay ka hadlaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee bulshada dhexdeeda ka jira.
Waa qormooyin taxane ah oo ka hadlaaya xaaladaha dalka ka taagan
Warsame: duulkani bal eega
Duni kale raacayee
Danahoodii ilaabaye
Dane kale ku foofay
Dadoow sidan aynu nahay
Dadyahow ma doorinaa
Warmooge: waligaabaad wax anay dadku arag aad arki jirtaye… iska daaya kanoo maxaa cusub manta?
Warsame: Dal waxaan ku noolahay
Wanaaga la duugoo
Xumaha la dugsadoo
La duugo wada jirkee
Dadkaygow goormaad
Dadaal aad la imanoo
Dadkaaga wax la qaybsan
Dad waxaan la noolahay
Ruuxay dacayadeeyaan
Durbaanada u tumanaaya
Warmooge; ha wareegto giraantuye… shirkii la tagaayay ka warama….. hadaynaan niman yahow kobtan ka guurin gorayo heeryaysanina way inoogu iman.
Warsame: Garaad laawoow maqal
Gaiyan aad ku nooshahay
Garashadaadu gaabanaa
Gooni isku taaga dalkaygu
Geed ku baxay weeyi
Geesiyo dhiigoodoo
Gini ma dhaafsanaayee
Gurigaaga xaalkiisa
Galabtan aynu joogno
Gartiisa waatii lagu jiree
Guntuu dab kaaga baxayaa
Garaad laawoowoo
Intaad gawsaha u lisanaysid
Gurigaaga maad ka talisid
Warmooge: waa runtaayoo dawladii hoosan xal u la ahaye maxaa iiga gidhiisha.
Warsame: soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa tiisaba daryeela tu kale ku dara.. ee Warmoogow intaad siyaasad aad ka sheekaynaysid gurigaagaa talo kaaga baahan.
Warmooge: waa runtaayoo maalinkasta laba nin oo siyaasad kala jiidanaaya ayaan sidaan ugu kala dhex jiro Ayaan dayacay reerkaygiiye, miyaan danahayga ku foofo.
Qore Mustafe Maxammed (Mustafe Daad)