|

MUSUQ MAASUQ….CUDUR HOOG INA AAFEEYEY

Muqdisho Dec 18,2014(SDN/QJ)-Musuq-maasuqu waa mid ka mida cudurada ugu gunta iyo gudaha weyn ee dalkeena dhinac walba ka ragaadiyey. Wuxuu naafeeyey dib u dhiskii dalka, koboca dhaqaale iyo dhammaan adeegyadii bulshada. wuxuuna dadkii u horseeday naafanimo joogta ah. Hoggaan xumida iyo hufnaan la’aanta maaliyadeed ama shaqo ayaa fursad siiya cudurkaan alla xumayga ah. Sidoo kale damiir xumada iyo dadnimo la’aanta kuwa ku dhaqma ayaa Gaas kusii huriya faafidiisa.
Musuqmaasuq waa in isbaaro loo dhigto hanti dadweyne ama dhuuni qof lagu badbaadin lahaa si uu usii hoogo amaba u dhinto dhuuni la’aan. Musuqmaasuq waa in dhisida goob caafimaad oo hooyo lagu umulin lahaa, ciyaalna lagu barbaarin lahaa loo wareejisto guri ay qof iyo carruurtiisu ku raaxaystaan. Iyo weliba in hanti qaran si qof ahaaned loogu tagri falo. Cudurkan ayaa keenay in hooyo umul raacdo, carruurna nafaqa daro u dhintaan waayo wixii lagu kaali lahaa isbaaro kore ayaa u taal. Laba tusaale oo aan soo joogey aan soo qaato.
1. Anigu subax ayaan u kalaxay inaan hooyooyin gudoonisiiyo lacag ay danta guud ugu adeegayeen mudo sadex beri ah, waxaan soo galay xafiiskii gudoomiyaha degmada waxaana ka codsaday inaan wada helo magacyada warqada iigu qoran si aan u hubiyo In adeegahaasi xaqiisa u qaato iyo inuu hufnaan shaqo sameeyey. Waxaa laygu khasbay inaan hantidaan sido ku wareejiyo gudoomiyaha si uu isagu dadkaas keenidooda la ii diidey wakiil qarsoon uga noqdo. Xeerka xafiiskaan ka socdey ma ogolaanayn inaan saas sameeyo, anna ilama noqon sida qumman, waxaana ku adkaystay in haddii aanan helin dadka magacyadoodu ii qoranyihiin inaanan jid kale mari karin. Waxaan la kulmay caga juglayn iyo handadaad xattaa dil ku jiro. Arinkaani sadex beri ayuu sii jiitamey, balse ugu damaytii waxaan ku guulaytey inaan hooyooyinka xaqoodii gacanta u geliyo. Hooyooyinkaasi wexey ii sheegeen in dhaqaale kasta ee ay xoogooda ku shaqaystaan in gudoomiyuhu magaciisa ku qaato iyagana sidaas xaqooda ku duusiiyo.
2. Nin aan saaxiibo nahay ayaa hormuud u noqday Inuu degmo gudoonsiiyo raashin gaaraya 5000 kiis, si taageeradaan dhuuni ugu noqoto dad ku nool ilaa lix xaruma qaaxooti (IDPs) oo ku yaaley degmadaas. Hadaba marka aad gargaarkaan oo kale fulinayso magaaladda Muqdishu waa inaad ku xisaabtaa musuqmaasuq badan oo kaa hor imaanaya. Si uu arinkaas xal ugu helo isaga iyo heyadiisuba wexey qorsheyyeen in ugu badnaan ay muqus-maasuq ahaan u bixi karaan 200 oo kiis. Si dadkaas deeqdaan u gaadho.
Balse, waxaa ka hor yimid qaadan waa kale, kadib markii uu la kulmay gudoomiyihii degmada oo markaas ku yiri ama 50% (2500 oo kiis) ayaad igu soo wareejin si aan mushaharka iyo sahay ciidan uga dhigto ama waxaad wado oo dhan waad la laaban mudane. Halkaasna waxaa ka dhacay is marin waa layaab badan. Ugu damayntiisii gorfayn ay sameeyeen wakiiladii deeqda wexey go’aan ku gaareen in haddii ayyan raashinkaan gaarsiin karin lixda xarun qaaxooti ee degmadaas ku yaal Iney deeqdaan qaaxooti kale oo gaarsiintooda fududahay u wareejiyaan.
Gudoomihihii wuxuu yiri hadeydaan hab-dhaqankaas ogolayn inaku kala wada. Waa laba tusaale oo ka turjumaaya in faqri baahsanaanta iyo darxumada dadkeenu ka dhalato hoggaan xumi iyo hufnaan la’aan. Waxaase marag noogu filan inaan astaan u noqonay inaan sanad walba hoggaamino warbixinta caalamka ee sanad laha ay u soosaadho hey’adda Transparancy.org  sadexdii sanoo ugu dameysey aan numberka koowaad galay (Somalia corruption in 2012, 2013  2014, ranked 174/174).
Cabdicasiis Shire Ismail (Bandiirad).
Qoraa, arimaha bulshada ka faalooda.

Comments are closed