|

Taageereyaashii Raiisul Wasaare C/Weli Sheekh Axmed oo ogaaday in Puntland xilkiisa dooneysay kana shaqeysay riditaankiisii

Muqdisho Dec 18,2014(SDN/QJ)-Taageereyaashii Raiisul wasaare C/Weli Sheekh Axmed oo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya kalsoonidii kala noqday ayaa haatan ku baraarugay ujjedadii dhabta aheyd ee maamul Gobileedka Puntland ka lahaa taageeradii maamulkaas u muujinayeen xiligii ay is hayeen madaxweynaha Soomalaiya.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka miro dhaliyay dedaal ay u galeen saacado ka dib kolkii la riday Raiisul wasaare C/Weli in xilka Raiisul Wasaaraha Soomaaliya loo magaacabo ruux degaanadooda ka soo jeeda

Puntland ayaa sidoo kale saacado ka dib hambalyo kula dul dhacday magaacaabida Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo reer Puntland ah.

Waxa sidoo kale ay shacabka Soomaaliyeed isweydiinayaan sow Puntland cawda uma goyn xiriirkii wada shaqeyneyd ee u dhexeysay iyaga iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Xiriirku ma waxa uu u go’ay in xilka Raiisul Wasaaraha loo doortay cid aan reer Puntland aheyn, mise waxa la jebiyay qodobo dastuuri ah, sidii ay hore u shaaciyeen.

Si kastaba ha ahaatee taageereyashii raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa haatan ku cataabaya in Puntland ay taagero beena u fidisay Raiisul wasaaraha si la isugu dhufto isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Taageereyaashu waxa ay shaki ka muujiyeen in xildhibaanada Puntland ka soo jeeda ee baarlamaanka Soomaaliya aaney xitaa siin Raiisul Wasaare C/Weli Sheekh codka kalsoonida.

Waxa la sugaaba waa Puntland oo ku dhawaaqda in ay wada shaqeyntii ka dhexeeysay iyaga iyo dawlada dhexe ay bilaa shuruud soo noqotay.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed