|

Taariikh Nololeedka Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Somalia Oo Shalay La Magacaabay

Muqdisho:Dec,18,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu dambayntii shalay ku dhawaaqay inuu xilka Ra’isal wasaaraha xukuumaddiisa  ku aaminay Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke ooh ore jagadan usoo qabtay.

sharmaHadaba halkan waxanu idiinku haynaa Taariikh Nololeedka Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo doortay oo aan dhegaha bulshada ku cusbayn, waana sidatan:

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa dhalay Madaxweynihii 2-aad ee lixdamaadkii dalka Soomaaliya xukunka kasoo qabtay, Allaha u Naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waa 48 sano jir, wuxuuna kamid yahay Bahda labaad ee ciyaalka uu dhalay Allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’ake oo kamid ahaa halyeeyadii iyo mutacalimiintii Soomaaliya ee faro ku tiriska ahaa ee usoo dagaalamay Xoriyada dalka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa uu deggan yahay magaalooyinka Sharja ee dalka Imaaraadka Carabta iyo Nairobi Kenya. Waxaa uu wax ku soo bartay Jaamacaddii Ummadda ee Soomaaliya, waxaana uu kasoo qalin jebiyay Kulliyadda Dhaqaalaha.

Cumar Cabdirashiid waxaa uu in muddo ah ku maqnaa dalka dibadiisa wuxuuna wax kusoo bartay Jaamacada Carleton Univertsy ee magaalada Ottawa ee dalka Canada. Wuxuuna kasoo qaatay Laba Shahaadadood oo uu ku bartay Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Cumar Cabdirashiid wuxuu shaqadiisii ugu muhiimsaneyd kasoo qabtay Qaramada Midoobay oo uu uga soo shaqeeyey dalal badan oo ay kamid yihiin dalal ay dagaalo ka socdeen sida dalka Sierra Leone iyo Sudan.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaqadii uu u hayey Qaramada Midoobay hakad geliyey kadib markii uu dhaawac culus kasoo gaadhay safar uu ku marayey Koonfurta Suudaan, weerar ay Jabhada Mucaaradka ah ku qaadeen xarun uu ku qaabilayey mas’uuliyiinta deegaanka Koonfureed kasoo jeeda.

Cumar Cabdirashiid ayaa halkaa u joogay hawlaha Nabadeynta iyo sare u qaadida gar gaarka shacabka koonfureed ee xiligaa ku dhibaateysnaa deegaankaasi.

Cumar Cabdirashiid dhaawaciisa kadib wuxuu soo qabtay xilal kale oo uu ka hayey Qaramada Midoobay xafiisyada ay ku leedahay Waqooyiga Afrika.

Wuxuu sidoo kale Cumar Cabdirashiid Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Bulshada, isagoo sidoo kale ka qeyb qaatay dadaaladii ay UN-ka ugu jirtay Heshiisiintii Dowlada Sudan iyo Jabhadaha Darfur asagoo kamid ahaa wafdigii wada xaajoodka u gogol xaadhayey.

Cumar Cabdirashiid ayaa Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf waxaa uu u magacaabay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, inkastoo uusan xilkaasi ku guuleysan inuu ka shaqeeyo, kadib markii ay diiday Dowlada Mareykanka.

Sidoo kale,Cumar ayaa markii ugu danbeysay ahaa safiirka Somalia u fadhiya dalka Mareynkanka,waxaana xilkaasi u magacaabay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Cumar Cabdirashiid ayaa ah Nin degen isla markaana afgaaban, wax khibrad ahna uma laha dhinaca dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda iyadoo uusan ka mid aheyn xubnihii ka qeyb qaatay dagaaladii sokeeye lama yaqaano sida uu uga qeyb qaadan karo dib u heshiisiinta laga dhex dhalinayo Bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuuna noqonaya Cumar C/rashiid markiisii labaad oo noqday ra’iisal wasaaraha dalka,isagoona hore xilkan ugu magacaabay madaxweynihii Dowlada KMG ahayd Shariif Sheikh Axmed.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

somalidiasporanews.com

 

Comments are closed