“Suldaanka(wabar) Waxanu Leenahay Haddii aad katimi Maraykan oo Carruurtaadii iyo Ehelkaagii aad halkaas geysay, waa inaad ka daysaan bulshada Hagardaamada iyo.” Wasiir Waran-cadde.
Hargeysa:Dec,18,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa weerar afka ah ku qaaday Suldaan Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay arrin ka dhan ah qaranimada somaliland, isla-markaana ciidamo Hubaysan Buuraha la galay.
Wasiir Warac-cadde oo shalay ka hadlayey Garoonka Cigaal xilli uu kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Ethiopia, ayaa si cad u weeraray Suldaanka oo uu ku sheegay nin qurbaha iyo Goobo amaan ah kusoo Hubsaday Ubadkiisii, isla-markaana fidno iyo ammaan darro dalka kula soo laabtay.
Wasiirku waxa uu sheegay in suldaanka iyo qaar kale oo lamid ahi usoo qoysteen sidii ay xaalad ammaan darro u hurin lahaayeen oo amniga iyo degenaanshaha somaliland u khalkhal gelin lahaayeen,
“Suldaanka(wabar) Waxanu Leenahay Haddii aad katimi Maraykan oo Carruurtaadii iyo Ehelkaagii aad halkaas geysay adiga iyo qayrkaana aad nin maraykan ah tahay, wakhtiga Guga oo dhulkuna noo qurux badan yahay, haddii aydaan waxba nagu taraynin inaad ka daysaan bulshadii aad Beri hore ka tagteen Hagardaamada iyo Hadallada xun ee aan macnaha lahayn.” Ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay, ayaa suldaanka usoo jeediyey inuu fidnada iyo ammaandarrada dalka ka daayo, isagoo sheegay Hadii taas la waayo uu heli doono dhibaatada uu raadinayo, waxana uu yidhi,
“qurbejoogga mooyaane Qolqoljoogu waa yaqaanaa waxa Bulshadu isku tahay, dad la isku diri karana ma ahee Intaan adiga(suldaanka) belaayo kaa raacin inaad dadka la mid noqoto, ama adiga iyo qayrkaaga Fidnooyinka ka wada meelo oo halkan la mid ahba inaad Halkii aad ka timaaddeen aan si wanaagsan ugu noqotaan ayaan idiin soo jeedinayaa.”
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Somaliland ayaa ku maqnaa Dhinaca Ethiopia, waxana Hubaal ah in arrimaha ay Halkaas u tageen ay kaw ka ahayd sidii ay Ethiopia ugu bandhigi lahaayeen Dhibaatada uu suldaan wabar ka wado Gudaha Dalka Ethiopia.
SDN/QJ
somalidiasporanews.com