|

Maamul-goboleedka Puntland Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyey Magacaabista Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Somalia

Garowe:Dec,18,2014(SDN/QJ)-Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa noqday Maamulkii koowaad ka mid ah maamuladda somalida oo si hufan usoo dhaweeya Magacaabista Ra’isal wasaaraha Cusub ee Somalia oo shalay la magacaabay.

stgRa’isal wasaare Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo dhalasho ahaan kasoo jeeda, ayaa waxa warsaxaafadeed maamulkaasi soo saaray ku shegay inuu ixtiraam badan u hayo, isla-maraana si heer sare u soo dhaweynayso.

Warsaxaafadeedka Maamulkaasi kaga hadlayo Soo dhaweyntiisa ku aaddan Ra’isal wasaaraha cusub, ayaa sidatan u dhignaa:

Dawladda Puntland ee Soomaaliya iyadoo  tix’galineysa isla markaana qadarineysa deganaanshaha dalka iyo  siyaasada sSomaaliya waxay  marwalbana taageereysa  qorshe walba oo ay  ummada Soomaaliyeed uga baxayso jaahwareerka iyo   Isqab’qabsiga siyaasadeed ee dib u dhaca ku ridey dhammaan hay’adihii Dawladda Soomaaliya , sidaa daraadeed waxay Dawladda Puntland si buuxda usoo dhaweyneysaa magacaabida Reysul’waaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar C/shiid Cali Sharmaarke.

Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay ku amaaneysaa Reysul’wasaaraha cusub Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Aqoontiisa  iyo waayo Aragnimda uu u leeyahey xilka loo magacaabey,

Ugu Danbayntii.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas wuxuu haambalyo iyo bogaadin u dirayaa  Reysul’wasaaraha cusub ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.wuxuuna u rajeynaya inuu shaqadiisa uguto si wanaagsan

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

E-mail: spofgovpl@gmail.com

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

somalidiasporanews.com

Comments are closed