|

Xaflad Xisbiga Waddani Saaka Kusoo Dhaweyn Lahaa Taageerayaal Cusub Oo Kaga Soo Biiri Lahaa Magaalada Berbera Oo Xukuumaddu Joojisay Iyo Cidda Amarkaas Bixisay

Berbera:Dec,18,2014(SDN/QJ)-Sida ay qurbejoog.com u xaqiijiyeen Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, waxa xukuumaddu habeenkii xalay joojisay Munaasibad ballaadhan oo Xisbiga Waddani ugu qorshaysnayd inuu Maanta oo Khamiis ah kusoo dhaweeyey Taageerayaal kaga soo biirayey Magaalada Berbera, taas oo lagu qaban lahaa Hutel Mansor Berbera.

konteSarkaalkan ayaa intaas ku daray in xukuumadda, gaar ahaan Xubnaha ammaanka u qaabilsani ay isku raaceen in Hutel Mansor amar lagu siiyo inuu joojiyo Munaasibadda xaruntiisa mucaaridku ku qabsanayaan, waxana Madaxa Hutelku ku wargeliyey Madaxda Xisbiga inuu joojiyey Xafladaas isla-markaana amarka xukuumadda Darteed aanu arrintaas u damaanad qaadi  Karin Xisbiga waddani oo maanta munaasibadaas u ballansanaa.

Warku waxa uu intaas ku daray in Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor iyo Wasiirk-xigeenka Amniga Cali Gadh-dheer ay amarkaas I wada jira ah usoo wada saareen, iyadoo saraakiisha ammaanka Xukuumadda u qaabilsanina ay ku sugan yihiin Magaalada Berbera Sida taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland oo dhinaca Burco kasoo socdaalay.

Xubno xukuumadu il gaar ah ku hayso oo kamid ah xisbiga Waddani sida  Xildh. Siciid Cilmi Rooble iyo Xamarji ayaa qudhoodu ku sugan Magaalada Berbera, waxana ay qabanqaabinayeen Munaasibaddan taageerayaasha cusub lagu soo dhaweynayey.

Sidoo kale waxa qorshaysnayd in Maanta Gelinka hore ay hargeysa ka baxaan Saraakiil sarsare oo ka tirsan Xisbiga Waddani, kuwaas oo doonayey inay Xafladaas xaadiraan.

Xukuumadda somaliland ee uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo, ayaa awood badan saartay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxana Haatan ka hor munaasibad xisbigu Hargeysa ku lahaa ay ugu  beddeshay goob fadqalalo kadib markii ay Dhallinyaro abaabulani Khasaare Badan gaadhsiiyeen Gawaadhi ay lahaayeen Saraakiisha Xisbiga Waddani.

Haddii ay maanta qabsoomi weydo xafladaasi, waxa la filayaa inuu xisbiga waddani si toos ah uga Hadlo arrintan si uu shacabka ugu caddeeyo caddaadiska iyo cabudhinta ay xukuumaddu ku Hayso arrimahooda khusuusiga ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

somalidiasporanews.com

Comments are closed