|

51 Doonyood iyo Hal Markab oo Sifo Sharci daro ah uga Kalluumaysanayay Xeebaha Somaliland oo la Xidhay

Berbera 18.Dec 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa  sheegay in ciidankiisu hawlgal ay qaadeen ay ku soo qabqabteen dad ajaaniib ah oo si sharci darro ah kaga kalluumeysanaayay xeebaha maamulkakaasi.

10849880_583694618398366_8963170751577158675_nTaliyaha ayaa sheegay in 51 doon oo laga leeyahay dalka Yaman iyo markab laga leeyahay dalka masar ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa min Maydh ilaa lughaya, ee ka tirsan Somaliland.

Taliyuhu wuxuu u sheegay in doonyahaasi iyo markabkaasi oo ay saarnaayeen 257 qof oo baxaari ahi ay si sharci darro ah uga guranayeen badda somaliland kalluunka iyo kheyraadka kale hatana ay ku xidhanyihiin magaalada Berbera.

Doonyaha la qabtay ayaa isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar oo ah nooca kalluumeysiga.

Dadkan ajaaniibta ah ee la xiray ayaa la horgeyn doonaa sharciga sida uu sheegay Admiral Axmed Aw Cismaan.

Kalluumeysatada maxalliga ah ee deegaanada Somaliland ayaa beryahan danbe waxay ka cabanayeen maraakiib iyo doonyo jirriif ah oo shisheeye oo xaalufinaya kalluunka badda oo si sharci darro ah u guranaya .

Berbera SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed