Wasiir Warancade oo Luuqad adag Kula Hadlay Qurbejoogta kuna Sifeeyay Fidno Wadayaal,iyo In aanay Garanayn Waxa la isu Yahay DAAWO
Hargaysa 18.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Faahfaahin ka bixiyay Socdaal uu Isaga iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland in Mudo ah ugu Maqnaayeen Dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Wasiir Cali Maxamed Warancade Waxa uu ka Hadlay Arrimo ay ka Mid Yihiin Wada hadalo ay la Yeesheen Madax iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labadaas dal Waxaa kale oo uu ka Hadlay Dhawaqii ka soo Yeedhay Suldaan Wabar ee uu ku sheegay in Gobolada Awdal iyo Salal ay ka Goosteen Somaliland.