|

Taariikhda Maraykanka Wiil uu dhalay Bushkii Weynaa oo Isu taagay Hogaaminta dal Weynaha Maraykanka

Washington 18.Dec 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyihii hore ee Gobolka Florida Ninka lagu Magaabo Jeb Bush, oo ah Wiilka Labaad ee Madaxweynihii hore ee Maraykan George H. W. Bush, sidoo kalena ay Walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykan George W. Bush ayaa shalay shaaciyey suuragalinimada inuu si rasmiya u shaaciyo inuu isu soo taago jagada Muraxsahaxnimo Xisbiga Jamhuuriga ee Doorashada Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Sanadka 2016-ka.

15222_878668152153729_9168187177595633577_nJeb Bush ayaa arintan ku sheegay fariin kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, taas oo u dhignayd sidan “ waxaan ku faraxsanahay inaan shaaciyo inaan si firfircoon u sahaminayo suuragalnimada inaan isu soo taago Jagada Madaxweynaha dalka Maraykan.” Ayuu Mr. Jeb Bush ku yidhi fariintaas kooban.
wiilka bushJeb ayaa waxa la filayaa inuu todobaadyada soo socda bilaabo Ole-ole uu ku urursanayo dhaqaale uu isku soo sharaxo.

Ninka ayaa Walalkii George W Bush uu ahaa Madaxweynihii 43-aad ee dalka Maraykan isagoo tallada hayey intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2009, halka sidoo kalena Aabihii, George HW Bush, uu ahaa Madaxweynihii 41-aad ee Maraykan isagoo tallada hayey intii u dhaxaysay 1989 ilaa 1993.

Washington SDN/QJ

 

Comments are closed