|

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Seylici muxuu uga aamusay hadalkii ka soo yeeray Suldaan Wabar?

Hargeysa Dec 17,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa afka ka xidhay dhwaaq dhiilo colaadeed xanbaarsanaa oo ka soo yeeray mid ka mida Salaadiinta Gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal.

Suldaan Abiikar Cilmi Wabar ayaa sheegay in beesha Samaroon ee Awdal ay ka hoos baxday maamulka uu Cabdiraxmaan Seylici madaxweyne ku-xigeenka ka yahay ee Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Ayaan wax jawaab ah oo mug leh ka bixin hadalkan Suldaanku fidnada ku dhex dhigay bulshada reer Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Ayaan sidoo kale booqan Gobolka Awdal oo ay waan waan u tegeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland iyo cutubyo ka mida ciidanka Qaranka.

Xeel dheereyaasha u kuurgala siyaasada Somaliland iyo khaatan ta Gobolka Awdal ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Suldaanka Beesha Jibriil Yonis uu salka ku hayo is riixriix u dhexeeya beelaha Samaroon.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Seylici ayaa ah ruuxa kursigiisa ay reer Awdal u kala dhereynayaan oo tartankiisuna haatan marayo heerkii u sareysay.

Intii Somaliland dib loo yagleelay ayaa xilka uGu sareeya ee Somaliland waxa mar walba hayay beesha uu ka soo jeedo Suldaan Wabar.

Waana markii u horeysay ee beesha Md Cabdriaxmaan Seylici ay hantaan kursiga u sareeya ee gobolka Awdal kaga soo beegmay talada dalka.

Guusha Cabdiraxmaan Seylici ayaa loo aaneynayaa midaw ka aloosmay beelaha reer Awdal ka dib kolkii uu madaxweyne Daahir Riyaale si siman reer Awdal mudo 10 sanadood ah uGu qeybin waayay saamigii talada dalka kaga soo beegmay.

Si kastaba ha ahaatee dooda saamiga qeybsi ee haatan ka aloosan Guud ahaan Somaliland khaasatan gobolka Awdal ayaa ah mid ku kooban beelaha reer Awdal.

SDN/QJ- Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed