|

Shabaabka Oo Shaaciyey Qiimaha Lacagaha ay Ka Heleen Sekada ay Qaadaan Iyo Faahfaahinta Meelaha ay Kasoo Galaan

Marka:Dec,17,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Ururka Alshabaab, ayaa shaaciyey Qaddarka Lacadeed ee Sanadkii tegay ee 1435-hijriyada ay seko ahaan uga heleen Dadka deegaanada ay gacanta ku hayeen.

siregHoggaanku waxa uu sheegay In sanadkaas ay gacantooda soo gashay lacag dhan $8.9 Milyan dollar, taas oo ay ka heleen Zeko ay ka qaadeen shacabka  Goobaha ay ka taliyaan ku nool.

Mu’asasada Al-kataa’ib ee garabka warbaahineed xarakada Alshabaab ayaa soo saartay filim ka hadlaya xoolaha ay zeko ahaan Alshabaab u uruuriyeen sanadkii tegay iyo dadkii ka faa’iideystay sida la sheegay.

Sida warbixinta Alshabaab lagu sheegay, dhaqaalaha kasoo xarooday xoolaha nool ee Zakawaadka ayaa ka badan $8.9 Malyuun oo dollar.

Filimkan waxaa lagu sheegay in geela zeko ahaan Alshabaab u uruuriyeem uu gaadhayo 6,500 oo madax oo lacaga ahaan u dhigma $3,900,000 (Seddax Milyan iyo sagaal boqol kun dollar).

Sidoo kale, filimka ayaa lagu sheegay in adhiga zeko ahaan loo uruuriyey uu gaadhayo ilaa 100,000 oo madax, kaasoo lacaga ahaan u dhigma $4,000,000 Milyan (Afar Milyan dollar).

Warbixinta waxaa lagu sheegay in lo’da zeko ahaan loo soo uruuriyey ay gaadheyso ilaa 2,500 madax oo dhiganta $1,000,000 (Hal Milyan dollar).

Dhaqaalahan faraha badan waxaa Alshabaab sheegeen in looga faa’iideeyay 5,000 oo qoysas danyar ah.

Dadka qaar ayaa rumeysan in Alshabaab xoolaha ay dadka qaadan ku maalgeliyaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Warbixinta laguma sheegin dhaqaalaha ay Alshabaab ka soo uruuriyeen dalaga beeraha iyo ganacsiga

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed