Xasan Sheekh Iyo Cumar Cabdirashiid Oo Xalay Kulan Ku Yeeshay Madaxtooyada Iyo Nuxurka Dardaarankii Goobta La Isku Dhaafsaday
Muqdisho:Dec,17,2014(SDN/QJ)-Kulan lasii qorsheeyey ayaa habeenkii xalay aqalka Madaxtooyada ku dhex maray Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud iyo Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo la dilayo in dhawaan laga dhigo Ra’isal wasaaraha Somalia.
Dr. Cumar C/rashiid, ayaa Xalay fiidkii hore laga soo qaaday Hutel Peace isagoo saaran Gaadhi qufulan ee ciidanka AMISOM leeyihiin, waxana loosoo galbiyey dhinaca Madaxtooyada oo uu ka dhacay Kulan saacado badan qaatay.
Kulanka labadan nine e lagu wado inay dhawaan Talada u kala sarrayn doonaan, ayaa waxa wehelinayey Sii Haayaha Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha & Amniga C/kariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo dhamaantood kamid ah baalasha uu madaxweynuhu ku duulo, ahna ragga la doonayo in lagu soo daro liiska Golaha Wasiirrada ee soo socda.
Guuleed iyo Sanbaloolshe, ayaa waxay dhabarka ka riixayaan in Cumar C/rashiid laga dhigo Ra’iisal Wasaaraha cusub, xilli labadooduba ay xusul-duub ugu jiraan inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada cusub.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa qaarka mid ah Warbaahinta u sheegay in kulanka looga hadlaayo xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ee imaan doono, oo qaarkood liis lagu soo diyaariyay magacyadooda. Sidoo kale waxay ka wada hadlayaan cidda mudan in lagu soo daro Golaha.
Inkastoo Madaxweynaha Somaliya aanu jecleen in Golaha Wasiirada cusub uu ka soo muuqdo Guuleed, ayaa waxa uu hadana taasi kala hadlayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub, haddii ayba dhacdo in Cumar C/rashiid uu noqonaayo.
Guuleed, ayaa 24-kii bishii May iska casilay xilkii Wasiirka Amniga oo uu ka haayay Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed, waxayna is casilaadiisu ka dambeysay markii ay Shabaabku weerar qorsheysan ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka Somaliya ee Magaalada Muqdisho. Guuleed waxa kaloo uu ka soo muuqday Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo uu ka soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa la rumeysan yahay inay soo laaban doonaan toboneeyo ka mid ah Golihii Wasiirada ee Xukuumadii C/weli, iyadoo ay xusid mudan tahay in wejiyo cusub lagu dhex arki doono Golaha Wasiirada cusub.
SDN/QJ