|

War-Saxaafadeed: “Reer Awdal waa Hoyga Aqoonta Iyo Tiirka Nabad”

Hargeysa:Dec,17,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Ururuka Dhallinyarada Maamuus oo kamid ah Urrurada Firfircoon ee Dalka ka jira ayaa si waddaniyad iyo waayeeltinimo ku jirta uga Hadlay Arrimaha kasoo Cusboonaaday Gobolka Awdal, waxana uu baaq u soo jeediyey Cidkasta oo dani ugu jirto deganaanshaha iyo wada jirka Shacabka Reer Somaliland.

leexGuddoomiye Liibaan Ismaaciil  oo ah Guddoomiyaha Ururka Maamuus, ayaa war saxaafadeed uu arrintan kasoo saaray oo gaadhay Qurbejoog. Om, waxa uu u dhignaa Sidatan:

Sida aynu wada ogsoonahay gobolka awdal waa xarunta aqoonta iyo aasaaska waxbarashada geyiga Somaliland geesta kalena waa saldhiga iyo unuga nabada waana tiirka iyo tusmada  wanaaga iyadoo ay sidaas tahay hadana waxa maalmahan ugu dambeeyay ka taagnaa xaalado aan sidaa u badanay balse ugub ku ah Somaliland isla markaana ah kuwo aan marnaba laga filayn gobolka awdal ee koobsaday astaan wanaaga Somaliland haday tahay aqoon, xadaarad, nabad, daganaansho looga bartay bulshada boorama guud ahaanteed yar iyo weyn, caruur iyo ciroole, ragg iyo haweenba.

Waxaanan ku boorinayaa xukuumada iyo bulshada gobolka awdalba inay si mug iyo miisaan leh uga arrinsadaan nabada iyo inaan marnaba gorgortan la galinin qaranimada Somaliland.

Waxaanan kula Talinayaa Bulshada Gobalka Awdal, Waxaad caan ku tihiin wanaag iyo waxyaabo badan oo aad  kaga soocan tihiin gobolada kale ee  dalka isla markaana aan tilmaan ugu tihiin, waxana lagama maarmaan ah si aad doorkaa  wanagsan ee la idinku tilmaansado aanu dhaawac u soo gaadhin inaad meel uga soo wada jeedsataan cid kasta oo wax u dhimi karta ama dhaawici karta astaantiina.

Waxaan idinku  dhiiri galinayaa in sidii hufanayd aad u soo bandhigteen tabashadii iyo baahiyihii ku lamaanaa gobolka iyo bulshadaba aad ku taagnaataan inaad u soo gudbisaan mar walba taas  oo ah talaabo wanagsan in wxii la tabanayo la soo bandhigo ceeb la,aan.

Waxaan idinku boorinayaa inaad ka feejignaataan cid kasta oo leh ujeedo ka baxsan tabashada gobolku qabo inaanay  ka faa,iidaysan oo any ka dhiganin salaan ay u maraan fawdada iyo  fidnada Salaadiinta dhaqanka gobolka waxaan kula talin lahaa inay talaabo haboon ka qaadaan cid kasta  oo bahda dhaqanka ah isla markaana magacooga iyo ka gobolkaba meel kaga dhacaysa isla markaana ay iska bari yeelaan si hufan.

Waxaan kula talinayaa dhalinyarada gobolka awdal oo ah labeenta aqoonta Somaliland inay ka  digtoonaadaan damacyada dadka kale la maagan yihiin oo ay noqdaan kuwo aqoontooda iyo  aragtidooda ku jiheeya bulshada gobolka iyo guud ahaanba geyiga.

Xukuumada waxaan kula Talinayaa Inay si cad oo aan gabasho lahayn ugu jawaabto baahiyaha gobolka iyo dalkaba.

Inay door firfircoon ka qaadato adkaynta iyo taabo galinta nabada

Inay xoojiso xidhiidhka bulshada gobolada iyo guud ahaan dalka Inay iska dhawrto talaabo kasta oo bulshadu si qaldan u fahmi karto.

Inay toos ula xidhiidho cid kasta oo la majaro habaabiyo isla markaana ay wanaaga ugu baaqdo  iyada oo kaashanaysa bulshada kale ee ku hareeraysan.

Madaxweyne ku xigeenka qaranka waxaan u soo jeedinayaa inuu qaato doorkiisa ku aadan  gobolka awadal.

Xisbiyada Mucaaridka waxaan kula Talinayaa Ina aanay ka dayin kaambayn ama olole dhacdooyinka dalka ee la xidhiidha nabada.

In meel uga soo wada jeestaan wixii nabada wax u dhimi kara.

In ay ka daayaan weedhaha naxafta leh  ciidamada qaranka ee ku shaqeeya duruufaha qalafsan.

In ka shaqeeyaan isla markaana soo bandhigaan xaaladaha nolosha bulshada asaasiga u ah oo  ay xogogaal noqdaan Saxaafada Guud ahaan waxaan kula Talinayaa Maadaama ay saxaafadu tahay  haayadaha ugu mihiimsan inay ka digtoonaadaan wixii bulshada  kala fogayn kara.

Inay ilaaliyaan jiritaanka iyo qaranimada dalka Inay ka shaqeeyaan baahiyaha bulshada iyo dhibaatooyinka haysta iyagoon cidna uga habrayna Inay xoojiyaan isku xidhka bulsada iyo is dhexgalka dadka inay wax walba ka horaysiiyaan danta dalka iyo danta dadka.

Gudoomiyaha Ururka Wadaniyada Iyo Wad Jirka Ee Maamuus

Mudane: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed