|

Warbixin:Maadaama Somaliland ay hirgalisay doorashooyin dhowr jeer, Muqdisho-na way qaban kartaa doorashooyin. Casharrada laga barto khibradda Somailand ay u leedahay doorashooyinka iyo hannaanka ay ku xalliso amnidarrada waa in la xoojiyaa.

 Muqdisho Dec 16, 2014(SDN/QJ)-Mac-hadka deraasaadka siyaasadda ee Heritage oo fadhiggiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in magaalada Muqdisho ay ka hirgeli karto doorashooyin madaxnimo haddii la xoojiyo barashada duruusta laga dhaxlay doorashooyinkii Somaliland.

Sida lagu sheegay warbixintan oo laga soo saaray cilmibaadhis uu mac-hadkaasi sameeyay, 91% (boqolkiiba kow iyo sagaashan) dadkii la waraystay waxay sheegeen in ay muhiiim tahay in Muqdisho laga qabto doorashooyin. Waxase sheegeen in ay jiraan caqabado badan oo hortaagan, waxaanay ku dhawaad rubuc dadkii la wareystay (24%) ay sheegeen inaanay u badnayn in doorasho dhacdo sanadka 2015-ka.

Geesta kale, warbixintani waxay sheegtay in ay suurtogal tahay in doorasho Muqdisho ka dhacdo, hase ahaatee, loo baahan yahay in Soomaaliya ay duruus ka barato Somaliland oo doorashooyin hore qabtay. “Maadaama Somaliland ay hirgalisay doorashooyin dhowr jeer, Muqdisho-na way qaban kartaa doorashooyin. Casharrada laga barto khibradda Somailand ay u leedahay doorashooyinka iyo hannaanka ay ku xalliso amnidarrada waa in la xoojiyaa. “ ayaa lagu yidhi warbixintaas.

HALKA HOOSE GUJJI SI AAD UGA BOGATO WARBIXINTA

Warbixin:Maadaama Somaliland ay hirgalisay doorashooyin dhowr jeer, Muqdisho-na way qaban kartaa doorashooyin. Casharrada laga barto khibradda Somailand ay u leedahay doorashooyinka iyo hannaanka ay ku xalliso amnidarrada waa in la xoojiyaa

 

Comments are closed