Tirsigii 4-aad, Miisaaniyada, Macmalka ah, Mashqaca ah ee aan lahayn dhexroorka iyo dhextaalka ma aha mid ka turjumeysa Baahiyaha muhiimka ah ee qaranka
Dakhliga miisaaniyadu sidiisaba waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan qiyaas (projections) kaas oo ku saleysan mar kasta xaalada dhaqaale ee wadanka taal.Taas oo ah mid toojka ku ifineysa xaalada taagan waqtigan iyo saadaasha waqtiga soo socda. Marka la isla meel dhigo dakhliga ayaa kadib laga fuudh yeelaa baahiyaha markaas jira iyada oo mudnaanta loo siinaayo sida ay kolba ukala muhiimsan yihiin una kala horeeyaan baahiyahaasi (Prioritize).Hada ba waxa aan caad saarneyn in maanta aaney tani ka muuqan miisaaniyadan hordega ah ee macmalka ah ee mashqaca ah ee aan laheyn dhexroorka iyo dhextaalka ee ay xukuumada Siilaanyo u soo dhoob-dhoobtey sanadka soo sacda ee 2015-ka in ay meel-mariso iyada oo u sii toshay kiishkii gunta la’aa ee ay ku dhici lahayd miisaaniyadaasi waxaana dhamaan ka maqan qodoban hoose:
1) Deeqihii Caalamku ugu deeqaya JSL
2) lacagaha tirada badan ee xukuumadu soo daabacato
3) Miisaaniyadani waxay uqoondeysey homarkii dalka 10% , taas oo macnaheedu yahay 90% kale in ay ku baxayaan hawlo aan xalibnaan, xisaab celin iyo isxisaabin laheyn.
4) Waxaa iyana ah arin laga yaq-yaqsiyoodo cadka quudheed loo qoondeeyey wasaaradihii ugu muhiimsanaa dalka sida W.beeraha, W.biyaha, W.degaanka, W.cadaalada iyo W.caafimaadka.
5) Kiisha dheer ee loo salaxdey Misaaniyada 2015-ka ayaa waxaa ka mid ah, Khasnada guud ee qaranka,Wasaarada Warfaafinta iyo Tv-ga Qaranka oo ay ku dhici doonto 20% dakhliga miisaniyada sanadka cusub 2015 -ka.
6) Waxaa iyana ceeb iyo fadeexad qaawan ah xukuumadan abaaldaran in 52% misaaniyada qaranku ay gacanta ku hayaan oo ay ku abtirsadaan Beesha Dhexe gaar ahaan beelaha xulafada ah ee lawada garanaayo.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu khudbadihiisii sanadihii hore uu kaga dhawaajiyey in waqtigii ay xilka la wareegeen ay Miisaaniyada Somaliland aheyd $50 Milayan oo Dollar Sanadkii 2013 ay sadex-laab ka badneyd oo ay gaadhsiiyeen $170 Millyan oo Dallar. Sanadkan 2014 ay afar-laabeen oo gaadhsiisey $212 Millyan oo doolar oo aan ilaa imika Xaliibnaan iyo Xisaabcelin midna laga hayn .Iyada oo laga waayey xisaab celin ayey xukuumadan ma tamariso tab-gaaban ay sanadka soo socda ee 2015-ka ay soo odorstey oo soo mala awaashey oo soo dhoob-dhoobtey miisaaniyad been-abuur ah oo cilmi-feleg ah oo gaadheysa $ 251 Millyan oo doolar ah. Balse la arki doonaa waxay soo kordhiso!!!!
Waxa xukuumadan hadhdacaaran ay caadeysatay in aaney soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhaxeeya miisaniyada mala-awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah (actual). Mar haddii taa la waayo oo uu xaalku iska noqdo miisaaniyad mala-awaL ah + mala-awaalkii miisaaniyadii sanadkii hore oo hadana la barbar dhigaayo uun mala-awaalka miisaaniyada sanadka cusub ee soo socda wax qiima ah oo ay ku fadhiyeysaa miisaaniyadaa badan ee been-abuurka ahi ma jireyso.xaalku waa mala-awaal+ male-awaal iyo indho-sarcaad ummadda cod-lagaga raadinaayo mustaqbalka. Arintani waxay kaaga markhaati kaceysaa in dhaqaalihii wadanka oo la Shan-laabmey sanadkan uu hadana weli yahay mid mad-madow-saaran yahay oo aan runta laga sheegin kaas oo aan wax-buuran oo la taaban karo wadanka aan uhilaacin kuna soo kordhinin, maadaama aan 100 ardey oo qalin jebiyey aan shaqo loogu abuuri Karin.Misaaniyadan been-abuurka ah ayaa xeel-dheerayaasha dhaqaalaha iyo wax-garadka fogaan araga ah caadka uga qaadeysa in dhaqaalaha wadanku uu toobiye khaldan ku socdo dhakhsana uturun-turoon-doono maadaama dhinacna laga faganaayo dhinacna, la futeynaayo,dhinacna laga faruuraayo oo uu-seegay oo waayey sadexdii TA oo laka ahaa ( Tashiil, Taxliil iyo Turuq).
Waxay aheyd intaan wax la soo dhoob dhoobin in odoroska miisaaniyada loo soo xulo khabiiro iyo xeel dheerayaal debedeed iyo qaar maxaliba si ay isu maskax tuujiyaan una qaadaa dhigaan ka dibna ay aqoon-tooda weel ugu shubaan oo ucabsiiyaan hawl wadeenada walfey ee aan aqoonta buuxda ulaheyn ee madaxa adag ee shaqadan loo igmadey ku yimi qof jecleysiga iyo taajir wasteysiga. Bal aynu ku soo noqono sadexdeenii TA inaga oo yara sariiganeyna oo sar kaxaadineyna laakiin sibirta uyara saareyna xogta iyo xaqiiqda dhabta ah ee maanta wadanka Somaliland ka jirta.
1- Tashiil- ( saving) Nasiib-daro wadankeenu hada wuu ka aradan yahay oo malaha wax-keyd aduun ah oo buuran, waxaana udaliila duruufaha nololeed iyo sicir-bararka marba marka ka danbeeya isa soo taraaya ee cirka isku shareeraaya oo dawladu kaalin teedii ka gaabisey ama ay iyaduba aabe ka tahay oo ay abuurto sida xeerka cashuuraha wadooyinka lagu kordhinayo ee ay sanadkan ansixisey.Tujaarta uus-miiratada ah ee ay xukuumada isku noqdeen milanka iyo meydhanaanka ee aan caashurta saani ubixin. Nasiibdaro Kadib markii wadanku waayey madax-daacad ah oo samo talis ah oo lexa-jeclo ka leh wadanka oo u-tudha sidii wasiirkii hore ee Maaliyada Mohamed Xaashi Cilmi oo taariikh iyo rikoodh wax qabad oo la-taaban karo kaga tegay Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada S/land ee hada marin-habowsan.
2- Taxliil– Waxaa kale oo meesha ka maqan oo dhaqaalaha Somaliland ubaahan yahay xeer-dheerayaal qof-jecelysi , iskooxeysi, xasabeysi iyo isxaafadeysi ka badan oo aqoon buuxda u-leh aqoonta dhaqaalaha oo soo nidaaamiya oo kantaroola dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee ummadda ka dhaxeeya, ee hada xukuumadu ka dhigtey oo noqotey timir xabaal taala, kula lihi iyo kaa lihi, qaado aan qaatee, ku daneyso oo ka daneyso oo hadana lafaganaayo, la feedhanaayo, la fiiqsanaayo, la fuudaayo oo aad loo futeynaayo oo si aad ah loo lunsado oo loo nacasnimo xaadho. Dab-liqa ayaa la idinka yidhi !!!
3-Turuq ama (Jump start) ama Jug uu isku taago si aanu u-liicin oo ululmin,oo uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey,Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somaliland ayaa isna lala baal marey sida lacagta Dekeda Berbera oo toos Madaxtooyada u-gasha, Lacagaha Haamaha shidaalka oo guryo lagu dhisto,Lacagaha majraxyada xoolaha, Lacagaha xaqal-qalinka ah ee Malaayiinka ah ee laga qaado shirkadaha sahamiya shidaalka dalka iyo kuwa baadha ama gurta kheyraadka ma-guuraanka ah ee dalka sida kuwa maraakiibta Kaluunka laga qaado iyo gurta macdanaha kal duwan ee dalka oo iyana intii ay xukuumadani jirtey aad loogu tagri-faley oo aad loo lunsadey.
Ceebaha aaney tebin ee xukuumada Siilaanyo dul-hoganaaya waxaa ka mid-ah kharajaka Martiqaadyada ((Entertainments) oo ay ku jiraan kharajka tigidhada iyo hudheelada 5* ah ee ay kolba wadan isu daba-yaacayeen sanadihii la soo dhaafey iyo sanadkan wuxuu ka badan yahay miisaaniyada xeer ilaalinta, qorsheynta, beeraha, xanaanada xoolaha iyo cadaalada taas oo ah aqoon-daro,nusqaan,axmaqnim o lagu tagri faley cashuurtii yareyd ee ummadda baahan, dan’yarta iyo da’yarta shaqooyin loogu abuuri lahaa !! Hadaba markaad u-fiirsato baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee is-barkan ee haysata dhalinyarada iyo dan-yarta Somaliland, sicir-bararka isa soo taraaya iyo heerka nolosha ee ay danyarta oo taxadka ku sii socota sanadba sanadka ka danbeeya,taas oo weliba markii dhawaan cashuurtii gaadiidka la kordhiyey ay aad u-sii saameynsey nolol maalmeedkii dan yarta, Markaad Mucaadinow u-fiirasato dayaca ba’an ee ka taagan degaanka Somaliland oo maanta ciida ama carada degaanada Somaliland 30cm ee ciida ugu sareysa ee ay nolosha Bi’aadanku ku xidhneyd ay nafaqadii ka dhamaatey oo nabaad guurtey. Markaad u-fiirsato dayaca ba’an ee haysta xoolaha Somaliland ee nolosha ummadu ku xidhan tahay, waxaa marag madoonto ah in xukuumadii ummaddu dooratey ee diratey ay hagratey oo ay noqotey hogaan habacsan oo uu musuq-maasuq hadheeyey taas oo aan laheyn ( Coaches) iyo xeel dheerayaal wanaagsan oo ku hogaamiya wadanka Higsigii qaranimo, horumarkii la higsanaayey iyo hanaankii dawladnimo, hab-raacii nidaamkii dastuuriga ahaa ee uu ku qotomey dhismihii ,karaamadii iyo milgihii qaranimo, laakiin nasiib-daro maanta xukuumadii waxay weydey samo talis,iyo hogaan daacad ah oo tubta u-saara wadanka toobiyaha toosan si aaney u-taraarin oo aaney u-turun-turoonin.
Waxaa wax-garadka wadanka oo wadanaha farta ku-hayaa uu isku raacey in aaney xukuumadani aheyn mid-dadaal badan oo digtooni badan oo la sii dugsan karo, In aaney Xukuumadu aheyn mid-garwaaqsatey duruufaha kala duwan, shaqo la,aanta baahsan, biyo la,aanta caasimada iyo baahiyaha is barkan ee ku habsadey shacabka saboolka ah ee Somaliland , in ay tahay xukuumad wadata siyaasad guracan oo ma-dhaleys oo deris ku nool ah taas oo caadeysatey in ay muraayad madow ka gashato xog ogaantii iyo xogo-gaalnimadii xaqiiqda dhabta ah ee maanta dalka taala iyo heerka nolosha ee bulshadu kolba ay mareyso.
Gunaanad: Horumarka dalku waa halbowlaha kowaad ee ummadda ,Waxaa hadaba xukuumada Siilaanyo Looga fadhiyaa In ay ummadda u-cadeyso. faraqaa 5-Laabka ah ee u-dhaxeeya miisaaniyadii markii ay xukunka la wareegeen oo ahaa 50 ka Millyan ee Dollar iyo kan Imminka ay dhoob-dhoobtey ee ay Mala-awaalatey oo ah $ 251. Millyan ee Doolar, in ay shacabka reer S/land u cadeeyaan Barwaaqada iyo Mashaariicda baaxada leh ee ay ugu talo gashey shacabka JSL ,gaar-ahaan Dhalinyarada shaqo la’aantu ragaadisey, si loo helo rajo lagu nagaado, oo lagu xasilo loona arko wax-qabadka muuqda oo aan ka aheyn kaan-beyn hor leh iyo qiiqa isku qari oo qawda maqashii waxna haw-qaban.
Alleh ayaa mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Wa-laahum-aclum Wa-Bilaahi-Tawfiiq.
Qoraa Madax banaan
A/rahman fidhinle
intensive ED.BD,PA
London– UK