Haweenay Booliska Sucuudigu Ku Xidheen Kiis Aan Noociisa Hore Loo Arag
Riyad:Dec,16,2014(SDN/QJ)-Mid kamid ah Wargeysyada kasoo baxa dalka Sucuudiga ayaa daabacay warbixin dheer oo uu ku sheegay in Ciidanka ammaaanka dalkaasi ay xabsiga dhigeen Haweenay Lagu qabtay iyadoo daawanaysa Ciyaar Kubadda cagta ah.
Dalka Sacuudiga ayaan la ogoleyn in haweenku xaadiraan garoomada ciyaaraha Ragga ugaarka ah lagu qabto, waana arrin sharciga islaamiga ah oo Sacuudigu uu ku dhaqo dhulka barakeysan.
Haweeneydan ayaa la sheegay in Kaadhka ciyaarta ay ku gashay ay ka iibsatey Internet-ka iyadoon dhibaato kala kulmin, balse markii ay xaadirtay garoonka ayaa la qabtey loona dhaadhiciyay xarumaha wax baadhista si kiiskeeda su’aalo looga weydiiyo.
Ciyaarta ay haweeneydani daawaneysay ee ay xadhiga ku muteysatey ayaa ka dhacdey garoonka cusub ee Al-Jowharah, waxeyna dhex mareysay koox ka dhisan Jiddah oo lagu magacaabo Al-ittihad iyo koox kale oo ka dhisan Riyaadh laguna magacaabo Al-Shabaab.
Hore uma aanay dhicin arrin nuucan ah maadaama Sacuudiga guud ahaan bulshadu ogtahay in ay mamnuuc tahay in haweenku xaadiraan goobaha Raggu isugu yimaado.
Balse qaanuunka noocan ah ayey Dowladda Sacuudigu u sameysaa tixgelin gooni ah, iyadoo Haweenka ajnebiga qaar loo ogolaado in ay garoomada ciyaaraha Ragga kula Daawan karaan ciyaaraha, waana wax hore u dhacey oo la arkey sida wargeysku qoray.
SDN/QJ