|

Xukun Khafiif ah Oo Lagu Riday Jaariyaddii Dhawaan Ciqaabtay Gabadhii Yarayd ee Lagu Aaminay

Kampala:Dec,16,2014(SDN/QJ)-Haweenay Jaariyad ahayd oo u dhalatay dalka Ghana oo dhawaan caalamka laga daawaday iyadoo ciqaab adag marinaysa Gabadh yar oo ay masuul ka ahayd, ayaa waxa lagu riday Xukun Khafiif ah oo dadka waddankaasi si weyn uga cadhoodeen.

udaXukunka Gabadhan  lagu riday ayaa ahaa muddo Afar sano ah, waxana uu dalkaas ka noqday wax lama filaan ah, maadaama la filayey in xukun adag dusha laga saari doono Haweenaydan naxariis darrada muujisay.

Kiiska lagu xukumay ayaa dadka Uganda ka dhex abuuray cadho weyn kaddib markii muuqaalka Vidio-ga lagu baahiyay baraha bulshada, kaas oo ahaa ciqaab aan qof bani’aadam u quudhi Karin qof sidaas u yar oo aan waxba galabsan.

Jolly Tumuhirwe, oo 22 sano jir ah ayaa laga duubay video iyada oo ku tumanaysa oo ku is-taagaysa gabadh yar oo 18 bil jir ah.

Jimcihii la soo dhaafay, ayaa gabadhaas jaariyada ah waxa ay maxkamadda u sheegtay in falkaasi uu ka ahaa aargudasho maadaama hooyada dhashay ilmaha yar ay kala kulmi jirtay iyada garaac joogto ah.

Hooyada dhashay ilmaha yar ayaa beenisay in ay garaaci jirtay gabadha dacwadda loo haysto ee jaariyadda ah.

Xaakimka maxkamadda Lillian Buchan, ayaa sheegtay in Tumuhirwe ay geysatay dambi aan wax marmarsiiyo ah loo heli karin.

Waxayna intaas ku dartay in xukunka ku haboon yahay “arxan la’aanta ay muujisay” oo ay kula kacday “lmaha yar oo aan dambi lahayn, oo aan is caawin karin.” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Xukunkan afarta sano ee xabsiga ah ayaa dad badan oo Uganda iyo Caalamka kaleba ah ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin, maadaama denbiga ay geystay uu yahay mid ay xitaa ku muteysan kartey dil toogasho ah, waxeyna si kulul dadkani u dhaliileen xukunkan iyagoo ku tilmaamey in uu yahay mid aad u jilicsan marka loo eego denbiga ay geystay halistiisa iyo foolxumadiisa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed