Boliska Australia Oo Soo Gebogebeeyey Afduubkii Magaalada Sydney Ka Taagnaa Iyo Khasaaraha Hawlgalkaasi Keenay
Sydney:Dec,16,2014(SDN/QJ)-Afduubkii Ninka Hubaysani Gudaha Magaalada Sydney ugu Geysgtay Tiro dad ah oo shacab ahaa, ayaa la waxa soo Gunaanaday Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Dalkaasi kadib markii ay si xoog ah ku galeen Goobtaas.
Hawlgalkaas ayaa waxa lagu dilay Ninkii Afduubka Geystay iyo Laba kamid ahaa Dadkii La haystay, kuwaas oo kala ahaa Nin Da’diisu ahayd 34-jir iyo Haweenay 38-jir ahayd oo halkaas lagu haystay Muddo 16-saacadood ah.
Laba kamid ahaa dadkaas ayaa Cisbitaalka la geeyey iyagoo dhaawac culus qaba, waxana sidoo kale dhaawacmay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii Goobta galay oo wajiga dhaawac ka gaadhay.
Ninka Afduubkaas geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Harun Monis, waxana uu kasoo jeeday Dalka Iran, iyadoo uu hore u galay dambiyo kale, isla-markaana uu hab damiin ah halkaas ku joogay.
Dalka Australia ayaa ka mid ah dalalka caalamka ugu ammaanka wanaagsan hase yeeshee waxaa soo baxayay dhowaan taageero dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaas ay u hayaan ururka ISIS ee ka dagaalama wadamada Syria iyo Ciraq.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in labo gabdhood oo Soomaali ah kuna noolaa dalka Australia ay gaadheen dalka Syria si ay ugaga qeybgalaan dagaalada jihaad doonka ee ay halkaas ka wadaan ururka ISIS.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com