Baarlamanka Uk oo dalbaday in Miiska loo soo saaro Warbixinta Jidh dilka iyo Gabood falka ee CIA ee Dhawaan la Faafiyay
London 16.Dec 2014 (SDN/QJ)-Mudanayaasha Baaralamaanka Waddanka Britain, ayaa Xukuumaddooda iyo midda Maraykanka ka Codsaday inay horkeenaan Warbixintii ka hadlaysay Jidh-dilka ay sameeyaan Ciidamada Sirdoonka maraykanka oo dhawaan la baahiyey.
Baarlamaanka UK ayaa hada heysta oo kaliya warbixintii asbuucii lasoo dhaafay uu shaaciyey Guddiga Golaha Senate-ka Maraykanka u saaray baadhitaanka jidhdilka ay hay’ada sirdoonka Marakanka CIA u geystay maxaabiistii ay qabteen kadib weeraradii 9/11.
Golaha Hoose ee Baarlamaanka UK ayaa sheegay inay doonayaan in sidoo kale loo soo gudbiyo xogta sirta ah ee aan weli la shaacin si ay u ogaadaan kaalinta ay Sirdoonka UK ka ciyaareen gacansiinta hay’ada CIA.
Xildhibaanada UK ayaa doonaya inay ogaadaan in sirdoonka UK ay sidoo kale ku lug lahaayeen falalka jidhdilka ah ee caalimka ka mamnuuca ah, waxaana codsigan si rasmi ah Axadii shalay u shaaciyey Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Sirdoonka oo lagu magacaabo Malcolm Rifkind.
Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maraykanka Dick Cheney oo kamid ah madaxdii Maraykanka ee sida weyn u taageerayey hawlgaladii CIA ayaa wareysi uu siiyey telefishin laga leeyahay Maraykanka ku sheegay in hay’ada Sirdoona CIA aanay wax danbi ah gelin oo ay qabatay hawl loo baahnaa.
London SDN/QJ