SIIMOODI BAL HOOS U EEG.
Indhaha lalayow wax arag,
Dhagahan awdmow wax maqal,
Aqligan seexdaw baltoos,
Guntayda bal hoos u eeg,
Afkaygan xidhmow dhawaaq,
Su’aalahan aasanee,
Kujira uurkayga qeex,
Siyaasiga eexda badan,
Siyaasigan aan arxamin,
Siyaasigan umulka wayn,
Siyaasiga aan ogayn,
Ishaad leedahay bulshooy,
Siyaasiga aan aqoon,
Dantiisa waxaan ahayn,
Siyaasiga aan lahayn,
Afkaar iyo garasha dheer,
Siyaasiga aan arkayn,
Wax aan anfac iyo Ku ool,
Duxiyo oon iyo gasiin,
Afkiisiyo labada daan,
Siyaasi la oog dhabtoo,
Haduu kugu helo aduun,
Kurkiinana iibinlaa,
Ayaad idinkuna bulshooy,
Waligiin u afduubantiin.
Siimoodi waa buur caan ka ah intabadan dhulka Somalidu dagto, waxayna 48Km W/bari ka xigta xarunta dagmada ee Baki, buurtan oo hodan ku ah macdanta kala duwan ee dahabka, sodomeeyadii sano ee ugu danbaysayna laga soo qodi jiray macdanta ay ugu badantahay Imiroolka.
Wasaarada macdanta iyo Tamarta ee Somaliland booqatay goobtaas iyada oo ay weheliyaan shirkad looyaqaan ARC (African Resource Company) oo ka soo jeeda dalka Chine, oo wasaaradu lasoo gashay heshiis, illa xog ogaal ah oo aan la xidhiidhay waxa ay ii sheegeen in shirkadan ARC goobtaas ka soo shaqaysay 2013, oo ay cabiraysay xadiga macdanta Berylliumta ee ku jirta goobtaas.
Hada waxay kula heshiiymacdanta lagula heshiiyeen Wasaarada 500 oo tan oo macdanta looyaqaan Beryllium sida uu sheegay agaasimaha guud, walow liisanka ogolaashaha uu ku talagalkiisu yahay in ay ka shaqayaan 2 sano, wixii kadanbeeya waa la cusboonaysiinkaraa, waa sida hadalka loo dhigaye.
waxa kale oo uu iigu sii daray in dadka dhagahooda iyo cuqaasha lagu qanciyo in kaliya ay la baxaan macdanta loo yaqaan “BERYLIUM” laakiin si hoos ahaana uu u guranayo dhamaan macdanaha oo dhan, qaataana waxala waxa mudadaa ka helaan nuuckasta oo ay awoodaan, balse waxyar aan ka dulmarno xogtii ay soo saartay shirkada Earth View Consultant oo ah hay’ad Maraykan ah oo dagan Nairobi Kenya, oo samaysay cilmi baadhis ku saabsan macdanta Berllium dhawr qodob inaga oo ka soo qaadanaynana waxay tidhi:-
BERYLIUM waa macdan naadir ku ah aduunka oo qaali ah. Waxay gaashaan u tahay X-Rayga, waxana loo isticmaalaa Neutron ahaan.
Waxa lagu sameeyaa warshadaha Nuclearka iyo xataa in ay sahasho samaynta bacriminta hubka aduunyadu ka qaylido ee Nuclearka, waxa macdantan “BERYLIUM” laga sameeyaa dayax gacmeedka siiba daaqadihiisa iyo biriigiisa
BERYLIUM waa macdan sun ah hadii aad neefsato ama aad cabto biyo ay soogaadho nooluhu uu ku nafwaayayaa, tusaale hadii roob soo qaado goobaha laga cabo biyaha ay ku soo durduraan sida ceelasha, dhijaamaha ama balayada ay soo gaadhaan biyahaas, dhamaan noolaha caba oo dhan way laynaysaa sida dadka iyo deegaanka ay biyahaas gaadhaan oo dhan waynabaad guurayaan, biyahaas hadii in uun ay gaadhaan xataa bada, waxaa dabar go’aya dhamaan wixii bada ku jiray oo dhan, goobta lagu sifaynayo ama lagu ridqayo waa in ay ahaataa meel dhulka hoostiisa ah, oo under ground laga dhigo si hawada iyo biyaha goobta laga qoday ama lagu sifeeyay aanay u soo bixin ogaada sare ee dhulka, si loo dhawro dadka iyo deegaankaba, laakiin sida hada u qorshaysan shirkadan iyo wasaarada macdanta oo isbarkan waa in ay ku bilaabaan shaqada, taasina waxay keenaysaa goobtaasa in laga guuro 93 km2 (sagaashan iyo sadex kiilomitir oo isku wareeg ah) oo si toos ah dadka ku nool hadii ay neefsadaan ama daadku soo qaado goobaha laga cabo ay ku qudh waayayaan,
dadka ka shaqaynayaa waa in ay xidhaan oborkoodho loogu tala galay iyo Oxygen tii ay neefsanayeen, kana sii labistaan meel godka ugu yaraan 5km ka fog, oo aanan ahayn xaga hawadu u socoto.
Waxaa laga qaadaa xanuuno badan oo uu ka mid yahay (cancer) Kansarka inta badan wliba ka maskaxda ku dhaca, Faalijka, iyo radio active keeda oo aad u awoodbadan, deegaankaas dadka ku dhasha 72.4% waxay ahaanayaan dad curyaamiin ah oo naafo ah, iyo dadka goobtaas ku dhawaada iyaga oon inta badan isticmaalin qalab oo ku geeriyoonaya” deegaankana waxa soo wajahay xanuuno aanan hore loo arag ooa ay islamarkaaba u geeriyoonayaan sidii mawtul qaflaha ama u curyaamaya, markii aan la xidhiidhnay dadka deegaankaas waxay noo sheegeen in dadkii si fudud uun uun u geeriyoonayaan iyaga oon aan xanuunba helin, halka ay dadka qaar la itaal daranyihiin xanuuno aan la garanayn, waxana ka mida dadkan hoos magacyadoodu:-
Geeri.
1. Marxuum Cumar Waadhawr “Cumar Buur”
2. Marxuumad Cibaado Kibaar.
Waxa ay u dhinteen dhibaato kaga timid beryluimta.
- Shaqaalaha faalijka la jiifa waxa ka mida.
1. Cismaan Cabdilaahi.
2. Cabdi Qamaan Faarax,
- Daahir Cilmi Sh. Yoonis oo ka shaqeeyay goobtaas waxa ku dhacay xanuun aan la garanayn jidhkiisa oo dhan ayaa qarqarxay oo aad moodaa in sakiin lagu googooyay waxana gabigiisu wada noqday nabaro dheecaan ka da’ayo, wuxuna la ildaranyahay xanuun aan la garanayn, halka qaarkood uu ka guuray dareenkii oo hadii aad taabato aanan waxba dareemayn maanta.
Dhibtan waxay dhacday maalmo yar gudaheed, illaa hadana dadka deegaankaas waxay u ildaranyihiin xanuuno faalijku ka midyahay iyo mawtulqafle aan la garanayn dadka meel laga wareemayo, cid uga gurmatana majirto illaahada shacab iyo dawladba.
Walaw macdantan ay tahay mid naadir ku ah aduunka, hadana waxa laga mabnuucay wadamada ree Yurub in laga qodo 1950, markii aduunku daraasad ku sameeyay dhibaatadii uga timid bambooyinkii lagu weeraray magaalooyinkii Horashiima iyo Nagaasaaka dagaalkii labaad ee aduunka oo illaa hada oo 73 sano ka soo wareegtay ay ku dhashaan dad curyaamiin ah in ay ku jirtay macdantan Berylium.
Macdantan oo khatar ku ah nolosha noolaha oo dhan ayaa sida kaliya ee lagaga badbaadi karaa tahay in dhulka hoos looqodo ugu yaraan 1.5km2 oo dhamaan dhisme lagu hagoogo aadna looga taxadaro in hawada iyo biyaha roobka ee goobtaas ku da’a labadaba la ilaaliyo oo aanay u soo bixin guudka sare ee deegaankaas, siligna lagu wareejiyo oo abid aan loo dhawaan xataa hadii ay shirkadu ka guurto goobtaas.
Sida xogo lagu kalsoonyahay laga soo xigtay, wasiirka wasaarada macdanta iyo tamartu uu sheerku leeyahay warshadan diyaarna u yahay in khayr iyo khasaaraba uu ku indha adaygo sidii uu warshada u geeyayba in uu ugu bilaabo shaqada dhawaan, wasiirka oo booqday China wuxu soo qaaday xoogaa geesa garaaca oo dhan $3,000,000, oo lacagta maraykanka ah, lagana soo saxeexay in xoog ama xeer midkuu doona ha qaadee ka wasaarad ahaan la timaado fulinta mashruucan, oo aan la dhagaysan dalabka deegaankaas.
Intaba waxa sii dheer ee maanta dadka deegaankaas mahadhada ku noqotay sida dadka deegaanku nagu soo gaadhsiiyeen waxay tahay, in uu wasiirku dad danyar ah ugu tagay halkii illaahay ka beeray, gurigoodii oo ah deegaanka Haan iyo caduurada ee badhtamaha buurta siimoodi oo laga qodayo macdanta uu si xarago iyo yaraysi ka muuqato inta uu labada gacmood miskaha saartay, si kalsooni ka muuqato ugu dhawaaqay “waa in aad dadka deegaanka ah hadii aad tihiin guurtaan, buurta oo dhana ciidan illaala ah ayaan keenayaa, la socda oo diyaar garooba”
Wasaaraduna waxay illawday in ay dadka iyo dalka horumarkiisa u yagleelantahay, walina aanay dhamaan ujeedadii loo aas aasay, jiritaankeeduna ku xidhanyahay kaliya intaas sare ku xusan, oo sharciga iyo dastuurka dawladnimo waafaqsan, hadii ay agmarto wasaaradu xeerka iyo mihnadeeda oo ay ku sii adkaysato wadadan odxaha badan ee ah in ay shiilato dhiiga shacabka, ahaanmayso wasaarad dal leeyahay ee waxay noqon tukaan dalka iyo dadka lagu baadho, qofkasta oo muwaadinana waxa uu xaq u yeelan in uu iska difaaco waxkasta oo halis galinaya naftiisa taas oo diinteenuna jidaysay.
Xildhibaanadii iyo masuuliyiintii taageerada indha la’aanta ah siiyay dadka iyo dalka in loo tudhi waayo, waxan leehay waad danbaabteen ee istaafurulaysta cafisna waydiista dadkii idinka dhigay waxaad tihiin maanta, shaadhkooda aad huwantihiin ee aad u quudheen waxay iyagu idiin quudhi waayeen.
“Dadka duubka kuu xidhay,
Qaarbaan dab loo shidin,
Dhalintiyo barbaartii,
Badahay ku daateen,
Dibjirkoodii baa wadhan,
Darbiyada habeenkii,
Dan haday ku moodeen,
Waa dayn codkooduye,
Waa diiqo ha is odhan,”
Waxase su’aali ka taagantahay dadkaa danyartaa ma heli doonaan dad iyo dawlad u gurmata mise masaakiintaa la iibsaday ayay noqondoonaan jawaabtu?
Waxaan ku soo gabagabaynayaa,
“Diidnayee ogow,
Dalkayaa ninkii doonaayayaw,
Inuu duufsiyaa rabaw,
Anaku diidnayee ogow”.
Mowlid “Beello”.