|

Mudanayaal Weer Cas Soo Xidhay Oo Ku Dhex Mudaharaaday Baarlamaanka Spain

Madrid:Dec,15,2014(SDN/QJ)-Mudanayaal Ka Tirsan Baalamaanka Dalka Spain, ayaa lagu arkay Muuqaal indhaha Warbaahinta soo jiitay kadib markii ay fadhigii Baarlamaanka soo fadhiisteen iyagoo Weer cas afka kusoo duubtay.

touXildhibaanadan afka soo xidhay oo tiradooda gaadheyso ilaa 7-Xildhibaan ayaa ku dhax mudaharaaday fadhiga Baarlamaanka Dalkaasi, waxaana fadhiga Baarlamaanka Dalka Spain looga doodayay Shuruuc ka dhan ah dibad baxyada ay soo gudbisay Dowlada.

Mudanayasahan tirada yar ayaa soo jiitay indhaha Warbaahinta kulankaasi goob jooga ka aheyd, waxaana hakad gashay Doodii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka lahaayeen shuruuc dawladu soo gudbisay oo xakamaynaya dibad baxyada isla markaana lagu cadaynayo danbiyada ka dhalan kara ku xad gudubka xuquuqda iyo hantida shacabka ama gaarka loo leeyahay.

Xildhibaanada ayaa markii dambe iska furay maryihii afka ay ku xidheen si caadi ahna uga sii qeyb qaatay kulanka, iyagoo Gudbiyey Ujeeddadii ay Maryaha cas cas usoo xidheen.

Dalka spain ayaa kamid ah Dalalka Reer Yurub ee aan Heerka sare kaga jirin xagga xorriyadda iyo Nolosha dadka, waxana dhibaatooyin la kulma Dadka shacabka oo inta badan  ka cawda Noloshooda oo hoos u sii dhacaysa.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed