Ilaa 30-Qof Oo Shacab ah Kooxo Hubaysani Ku Haystaan Maqaaxi Ku Taalla Badhtamaha Magaalada Sydney Iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidanku Wadaan
Sydney:Dec,15,2014(SDN/QJ)-Saaka Aroornimadii Hore ayaa huteel magaalada Sydney Badhtankeeda ku yaalla waxa lagu qabsaday ilaa 30-qof oo halkaas ka qaxweynayey, kuwaas oo ay hastaan Kooxo Hubaysani.
Dadkan ayaa muuqaallo laga soo duubay lagu arkay calan madow oo u eg midka ay qaataan kooxaha islaamiyiinta ahi, balse wararka laga helayaa waa kooban yihiin.
Ciidamo boolis ah oo aad u hubaysan ayaa lagu wareejiyey Hareeraha Goobtaas, walina wax hawlgal ah may samaynin Ciidankani, iyadoo la filayo inay la Hadlaan kooxaha dadkan halkaas ku haysta.
Inta badan dadkii halkaas ka dhawaa ayaa laga daad-gureeyey, waxana maamulka Magaaladu ku baaqay inay dadka caadiga ahi shaqadooda iska sii wataan oo aanay wax walaac ah muujinin.
Lama garan karo tirada dadka hubaysan ee goobta ku haysta dadka shacabka ah, waxasela filayaa inuu yahay Hal Nin Oo Xoog U hubaysan sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayaa.
Ra’isal wasaaraha dalkaas ayaa ku baaqay in la isdejiyo, waxana uu intaas raaciyey inay muhiimadda siinayaan dadka shacabka ah ee Halkaas lagu haysto.
Shalay ayey ahayd markii warbaahinta dalkaasi baahisay in laba hablood oo soomaaliyeed, kuwaas oo haystay dhalashada waddankaasi ay u galeen Kooxda Daacish, waxana dhacdadaasi ku xigay middan lagu afduubay dadkan shacabka ee ilaa haatan ku jira Gacanta Kooxdan Hubaysan.
Australia ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa kusoo badanayey Cabudhinta Dadka islaamka ah, waxana taasi ay keentay inay abuurmaan dad ku dhaqaaqi kara fal ka dhan ah dadka aan haysanin diinta islaamka sida kuwan haatan shacabka qafaashay.
SDN/QJ