Xukuumadda Turkiga Oo Xabsiga u Taxaabtay Inka Badan 20-wariye, Goobihii ay ka shaqaynayeen Oo Ciidamo La Wareegeen Iyo Sababaha Keenay
Ankara:Dec,15,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Waddaanka Turkiga, ayaa maalintii shalay Gudaha u galay Xarumaha Warbaahin uu leeyahay Sheekh dalkaasi ka caan ah oo la sheego inuu mucaarid ku yahay Hoggaaminta Madaxweyne Erdogan.
Ciidamadu waxay xabsiga u taxaabeen ugu yaraan 23-qof oo iskugu Jira wariyayaal iyo shaqaale kale, kuwaas oo ka Hawgeli jirey Xarumaha Warbaahinta AZAMAN oo uu leeyahay wadaad islaami ah oo ku nool waddanka Maraykanku.
Wadaadka Fethullah Gulen oo ay hore u ahaayeen asxaab madaxweye Tayyip Erdogen ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf weyn kadib markii sanadkii hore ay soo baxeen eedeymo loo jeedinayay madaxweyne Erdogan.
Xafiisyada wargeyska ugu caansan dalka Turkiga ee Zaman iyo taleefishinka Samanyolu ayaa ciidamada Booliska weerareen waxayna u muuqataa in dagaalka u dhexeeya Erdogan iyo Gulen uu meel halis ah gaadhay.
Wakaalada wararka ee Anatolia ayaa sheegtay in maxkamad ay soo saartay amar lagu xidhayo illaa iyo 31 ruux waxaana la soo qabtay 23 kamid ah dadkaas kaib markii baadhitano laga sameeyay magaalada Istanbul iyo magaalooyin kalaba.
Dadka la xidhxidhay ayaa waxaa ka mid ahaa tifatirihii wargeyska Zaman Ekrem Dumanli iyo madaxii taleefishinka Samanyolu Hikmet Karaca iyo sarakiil ka tirsan ciidamada booliska.
“Taariiqdu waxa ay xusuusan doontaa dadka wanaagsan kuwaasoo iska socday iyagoo aan gadaal u eegin Turkiga oo leh dimuqraadiyad xoog leh,”ayuu Dumanli u sheegay weriyaal isago ku sugan xarunta weyn ee wargeyska Zaman kahor inta aan la xidhin.
“Arrintu ma aha dhaqdhaqaaq u dhexeeya dowlada iyo Gulen fadlan waxaan ilaalinaa dimuqraadiyadeena,”ayuu ku sii raaciyay tifatiraha wargeyska caanka ah ee Zaman.
Erdogen ayaa waxa uu ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Gulen in ay abaabulayaan qorshe lagu burburinayo dowladiisa. Dowlada ayaa sheegtay in taageerayaasha Gulen in ay ka dambeeyeen eedeymo loo jeediyay sanadkii hore dowlada ee ahaa musuqmaasuq taasoo sababtay in ay is casilaan afar wasiir oo ka mid ahaa xukuumada Erdogen.
Gulen, ayaa waxaa uu ku nool yahay dalka Maraykanka gaar ahaan Pennsylvania waxana uu beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay. Zaman iyo Samanyolu ayaa lala xidhiidhiyaa in ay gacan saar la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Gulen.
Koox dad ah ayaa isugu soo baxay dibada xarunta Zama nee Istanbul iyagoo ka cabanaya xadhiga loo geystey tifatirihii wargeyska. Sidoo kale ururada suxufiyiinta dalka Turkiga ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday saxafiyiinta.
Dowlada Erdogen ayaa dooneysa in Gulen laga soo masaafuriyo wadanka Maraykanka si dacwado loogu soo rogo gudaha dalka Turkiga.
SDN/QJ