|

Wadani oo cagta Saaray Dhabihii Mucaarednimada ee Kulmiye caanka ku ahaa

Hargeysa Dec 14, 2014(SDN/QJ)-Warbixin ay barta Internetka ee Vice ay ka diyaarisay hawgalada ciidamada RRU da ayaa lagu xusay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Wadani iyo xildhibaano kale oo xisbigaa ka tirsani ay dawlada Britain ku dhaliileen taakulada ay siiyaan Somaliland.

Cabdiraxmaan Xoog oo ka mida Gollaha Wakiilada isla markaana ka mida xisbiga Wadani ayaa warbixinta lagu xusay in uu dawlada Britain uga codsaday in joojiso kaalmada ay ku bixiso RRUda.

Arinkan ayaa waxa uu la mid yahay dalabaad ay xisbiga Kulmiye dunada u jeedin jirey xiligii uu dalka ka talinayay madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

Guddoomiyaha Wakiilada oo isla markaana ah Guddoomiyaha Wadani Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed Ciro ayaa Vice u sheegay in ciidamada RRUdu ay damceen in ay hubka ka dhigaan ilaaladiisa, balse uu aqalkiisa ku noqday.

Waxa wax lala yaabo ah in Guddoomiyaha Wakiilada oo ah masuulka sadexaad ee Somaliland u sareeya uu damaciisa siyaasadeed ka hor mariyo danta guud.

Ciidamada RRUda waxa xukuumadu u isticmaaleysay in mudo ahba siyaabo laga wanaagsan yahay, balse marka qura ee ay xukuumadu u isticmaashay Baarlamaanka in Guddoomiyuhu beesha caalamka dalab u dirsado waa daciifnimo.

Ma aha ciidan dalka ka hawlgala maamulkiisa la siyaasadeeyo oo dalka loogu soo jiido sumcad xumo iyo indhaha inta neceb Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxa haatan muhiima sidii loo sixi lahaa habdhaqanka ciidamada RRUda iyada Baarlamaanku yahay halka ugu haboon ee ciidanka iyo xukuumadaba laga sixi karo.

 

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed