Xulashada Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Gebogebo Ku Dhaw Iyo Magacyada Xubno Tiro Yar Oo Midkood Lagu Dhawaaqi Doono
Muqdisho:Dec,14,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga Helayo aqalka Madaxtooyada Somalia, waxa Gebo gebo maraysa Xulashada Liiska Laga dhex xulanayo Cidda noqon donta Ra’isal wasaaraha soo socda ee Somalia.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Haatan uu Madaxweynuhu iska dhaafay xulashada Xubno 7-Ku dhaw oo uu markii hore doonayey inuu mid ka doorto, kuwaas oo codsiyadoodu xafiiskiisa yaalleen, waxana haatan iskugu soo hadhay Miiska Madaxweyne Xubno Tiradooda lagu sheegay saddex Siyaasi oo midkood magaciisa dhawaan lagu dhawaaqi doono.
Loollankan ayaa waxa iskugu soo hadhay Saddex masul oo kala ah
Xuseen Cabdi Xalane oo hadda ah sii hayaha wasiirka Maaliyadda iyo Bashiir Nuur Bidaar oo ugu cadcad masuuliyiinta xilkaasi u taagan iyo Waliba Cabdirashiid Cali Sharma’arke ooh ore usoo qabtay Jagada Ra’isal wasaaraha.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale soo gabagabeeyay la tashiyadii uu waday, waxana haatan uu Gudo gelayaa sidii uu xubnahaas kooban mid uun uga dooran lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne xasan ayaa waxaa looga fadhiyaa in gudaha asbuucani uu isugu yeedho saxaafada kana hor shaaciyo R/wasaaraha cusub ee xilkaasi qaban doono.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com