|

Maxkamada Dhagaraha Adduunka oo Joojisay Dunuubtii ka dhacday Gobolka Daarfur

Khatuum, 14 Dec 2014 (SDNl)-Maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ICC ayaa ku dhawaaqday inay joojisay baaritaanadii dambiyada dagaal ee ka dhacay Gobolka Darfur ee dalka Sudan, kuwaasoo loo heystay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale.

Dacwad oogaha Maxkamada icc haweenayda lagu magacaabo Fatou Bensouda ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay inay joojineyso baaritaanka gabool faladii ka dhacay Darfur, kadib markii ay gacan ka heli weyday Qaramada Midoobey.
Fatou Bensouda ayaa sheegtay in aan tobankii sano ee u dambeeyay aan cidna cadaalada loo horkeenin dambiyadii dagaal ee ka dhacay Gobolka Darfur, isla markaana Golaha Ammaanku aanuu tallaabo qaadin, si uu Maxkamada u caawiyo.
ICC ayaa sanadkii 2009 dacwad ku soo oogtay Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay maxkamaddu sheegtay inuu ku lug lahaa dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay Darfur, sidoo kale maxkamaddu waxay danbiyadaasi ku soo oogtay Wasiirrada difaaca iyo arrimaha gudaha ee dowladda Sudan iyo hoggaamiyahaha maleeshiyada Janjawiilka Ali Kushayb, Balse dhamaantood cidna looma soo qaban danbiyadaasi.
Sidoo kale Maxkamada ICC ayaa ku eedeysay dalalka Jabuuti, Kenya, DR Congo, Malawi iyo Chad inay ku guuldaraysteen inay soo qabtaan madaxweynaha Sudan, markii uu dalalkaas shirar u tagay, waxaana xeerka Maxkamada uu dhigayay in dalalka ka midka ah ay soo xiraan shaqsi ay dacwad ka taal Maxkamada ICC hadii uu dalalkooda tago.
Dalalkaas ayaana diiday inay soo xidhaan Madaxweyne Al-Bashiir, iyagoo u arkayay amarka Maxkamada inuu ahaa mid aan sharci aheyn, maadaama Maxkamada loo aas aasay kaliya dalalka Afrika.
Maxkamada ICC ayaa dhowaan daaqada ka saartay dacwadihii loo heystay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, hase ahaatee wali waxaa dacwad ku socota Madaxweyne kuxigeenka Kenya iyo Wariyaha lagu magacaabo Joshua Arab Sang.
Dhinaca kale Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo shalay ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dalalka Africa inay gebi ahaanba ka baxaan Maxkamada ICC oo uu ku eedeeyay in dalalka Afrika kaliya ay Maxkamadu dacwad ku soo oogto.

Comments are closed