|

Xildhibaan Cali Barre: xisbiga Waddani kursiga madaxtinimo ku gaadhi maayo qabyaalad

Hargeysa Dec 13, 2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali Maxamed Aadan(Cali Bare) oo ku tirsan Gollaha Wakiilada isla markaana ka mida xisbiga Kulmiye ayaa ku eedeeyay xisbiga Wadani in uu caadeystay Cay iyo Aflaagado uu la beegsado Xukuumada.

Cali Bare waxa uu sheegay in xisbiga Wadani aaney talada dalka Qabyaalad ku hanan doonin, sidaa waxa uu u gu waramay jariirada Dawan ee ku hadasha afka Xukuumada Somaliland, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa:

“Waxaan leeyahay qabyaalad iyo dawladnimo meel ma wada gasho ama dawlad ayaynu ahaanaynaa ama qabiil ayaynu u kala baxaynaa oo nin weliba qabiilkiisii ayuu noqonayaa, qabiilna kursi laguma helo. Xisbiga Waddani waxaan odhan lahaa qabyaalad kursi lagu heli mayo. Ninka kursiga doonayaa Somaliland oo dhan ayuu ka rabaa inay u codeeyaan, ninkii qabiil isku kooba isagaa cirka roob ku og.

Dhaleecaynta mucaaradka waxba ku heli maayaan, ummaddu indhaheeda way qabtaa, waxqabad aan qarsoonayn ayay qabteen xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisu, qodobka labaad ee xisbiga Kulmiye ku guulaysanayo doorashada soo socota waxa uu yahay xisbiga Kulmiye ee qabyaalad kuma shaqeeyo iyo xukuumaddiisu qaab qabyaaladeedna waxba ku dooni mayno. Somaliland-nimo ayaanu codka kaga doonaynaa ummadda oo waxna loogu qabanayaa, waxaanan qabaa inaan Kulmiye marna laga guulaysanayn, waayo labo dariiq oo sax ah ayaanu wadnaa, waa ummadda inaanu wax u qabano iyo in aanaan qabyaalad ku shaqayn ee aanu qaranimo ku shaqeyno.

Xildhibaannada Waddani waxay cadaysteen aflagaado hadal xun, annagu haddaanu nahay Kulmiye iyo xukuumaddiisa nahay cidna aflagaadayn mayno ma caytamayno, ma habaartamayno, ummadda madax ayaanu u wada nahay, shacabku wuu noo siman yahay, waxaanan odhan lahaa xisbiga Waddani gaar ahaan nimanka xildhibaannada ah dastuurku ma ogola cay iyo aflagaado, waa waxa xildhibaanka xisaanadda ka qaadi kara, qodobka 49 waxa uu cadeynayaa in aan xildhibaanka la xidhi karin, waxba loo gaysan karin, la baadhi Karin, laakiin intaa waxa ka reeban in aan wixii cay ah iyo aflagaado mamnuucayay ka tahay xildhibaanka

Maalin walba niman xildhibaanno ayay cay ka soo yeedhaysaa iyo habaar, waxaan u soo jeedin lahaa inay ka waantoobaan arrintaas, ceeb ayay ku tahay xisbiyada aad ka tirsan tihiina waxba u soo kordhin mayso.

Xisbiyada mucaaradku waxay garan la’ yihiin waxa shaqadooda ah iyo waxa aan shaqadooda ahayn, sida ay isku dooranayaan komishanka doorashooyinku ciddina ka xukunto, walaa mucaarad iyo muxaafadba, Komishanku wuu madax-banaan yahay inay is-doortaana sharciyan iyagaa u madax-banaan, markaa shaqo u taala maaha mucaaradka.”

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed