|

Boqolaal Qof Oo Lagu Casuumay Arooska Gabadh Siilaanyo Dhalay Oo Cidhiidhi Geliyey Garoonka Hargeysa iyo Tigidhada Oo Laga Bixinayo Qasnadda Dawladda

Hargeisa:Dec,13,2014(SDN/QJ)-Boqolaal kamid ah Qurbejoog dibadaha ka yimi oo ujeeddadoodu tahay inay ka qaybgalaan Arooska Gabadh uu madaxweyne Siilaanyo  dhalay oo dhawaan Arooskeedu dhici doono, ayaa Mashquul geliyey Garoonka Cigaal International Airport.

greSida aanu xogta ku helayno dadkan lagu casuumay Arooska Inanta madaxweynuhu dhalay ooh ore madaxtooyada dhexdeeda munaasibad kale ugu qabsatay, ayaa dadka lagu casuumay u badan yihiin qaar kasoo jeeda Qoyska Madaxweynaha, waxana daabulkooda  laga soo wadaa Dalalka Yurub, carabta iyo Yurub.

Kharashaadka ku baxaya tigidhada dadkan ayaa la sheegayaa in laga bixinayo khasnadda Dawladda, waxana Bixinaya Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay intaas dheer tahay in xataa Hutellada ay bixinayso wasaaradda Maaliyaddu.

Arooska Gabadha Madaxweyne Siilaanyo ayaa kolka loo eego sida loo agaasimay qabanqaabada iyo ka qaybgalka dadyowga laga soo kala Casumay dunida dacaladeeda waxa uu noqon doona inta la og yahay sadex iyo labaatankii sano ee u dambeeyey Arooskii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland iyo Somalia labadaba waxaana dadka usoo joogay ilaa Tooradii Kacaankii Maxamed Siyaad Bare ay ku sifeeyeen in uu xataa ka miisaan iyo kharash badan yahay Arooskii Ina Siyaad Bare oo ku dhawaad kontoneeyo sano haatan kasoo wareegtay.

Xafladan ayaa sidoo kale kulmin doonta fanaaniin tiro badan oo qurba joog iyo qol-qol joogba leh oo xataa ay qayb ka yihiin fanaaniinta Qaranka Jabuuti ee kooxda Heegan.

Walow lamaanahani mid koodna aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu guur soo maro hase ahaatee wakhtiga iyo waayaha nasiibka ayaa ah marleyba kuwo kala hoodiyo ayaan badan waxaana Arooskani ka duwanaan doonaa labadii aroos ee hore inanta Madaxweynuhu usoo martay iyo arooskii hore Saygeeda Cusubi usoo maray xiliyadaasi oo Madaxweyne Siilaanyo ahaa Gudoomiye Xisbi halka maanta Lamaanaha Nasiibku ku simay Aabe Madaxweyne ah una suurta geliyey Aroos aan noociisa la arag mudo afartan sano ka badan.

isku soo wada duubo arooska Inanta Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu saamayn ku yeelan doonaa tariikhda sebenkan Casriga ah waxana uu noqon doonaa mid dib usoo Cusboonaysiiya Taariikh duug noqotay iyo Talis ficiladiisi mudo dheer ka hor la hilmaamay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed