|

Meeliishaadka Shabaabka iyo kuwa Dawlada Soomaaliya oo Haween iska laayay, qiso ugub ku ah dhaqan colaadeedka Soomaalida

Tiyeegloow Dec 12,2014(SDN/QJ)-Meliishaadka kooxda Al Shabaab ayaa horaantii todobaadkan laba ruux oo haween ahaa madaxa uga jaray degaanka Tiyeegloow.

Kooxda Shabaabka ayaa qabtay labadan haween oo midkood aheyd askeriyad ka mida ciidamada dawlada halka ta kalena ay aheyd haweeney u dhaxday askari ka mida ciidamada dawlada.

Ciidamada dawlada oo arinkan ka jawaabay ayaa hawlgalo ay qaadeen waxa ay ku soo qabqabteen haween ay sheegeen in ay xiriir la lahaayeen kooxda Al Shabaab.

Sida uu saxaafada u xaqiijiyay masuul ka tirsan degmeda Tiyegloow Maxamed Cabdulle Xasan Haweenka ayaa xili lagu sii waday Xabsiga waxa rasaas mariyay Askerigii haweyniidiisu ay dileen Shabaabku.

Falkan ugubka ku ah dhaqanka colaadeed ee Soomaalida ayaa xiisad baaxad leh ka abuuray degmeda Tiyeegloow.

Magaalada Tiyeegloow oo ku taal Gobolka Bakool ayaa ciidamada dawladu dhawaan kala wafeegeen kooxda Al Shabaab oo mudo ka arimineysay.

SDN/QJ-Tiyeegloow

contact@qurbejoog.com

Comments are closed