Wasiir Xirsi Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Farsamo Cusub Oo Dhiska Waddooyinka Loo Isticmaali Doono Iyo Baahidii Daamurka Oo Meesha Kasii Baxaysa
Hargeysa:Dec,12,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali XaajiXasan, ayaa faahfaahin ka Bixiyey Agab cusub oo dhawaan dalka la keenay, kaas oo lagaga maarmi karo Daamurkii Waddooyinka dhiskooda loo isticmaali jirey.
Wasiirka ayaa sheegay in agabkan cusub oo tijaabo ahaan maalintii shalay loogu bilaabay waddada u baxda dhinaca Jaamacadda Hargeysa, uu yahay mid qiimihiisu jaban yahay, isla-markaana qaban kara shaqo kasta oo daamurku qaban jirey.
Wasiirka ayaa arrintan ku faahfaahiyey warbixin dheer oo uu soo dhigay Bogga uu ku leeyahay Aaladda Face-book-gga, waxana uu qoraalkisu u dhignaa sidatan:
“Maadama Dalkeenu yahay Mid Curdin ah oo aan Caawin ka helin dalalka Caalamka, Marwalba waxaan ku dedaalaynaa in aanu keeno qaab dhimi kara Kharashka inaga baxa inaga oo aanan marnaba ka Tanaasulayn Tayada Wanaagsan ee Raandhiiska le”
Subaxnimadii saaka(shalay) ayaa ahayd maalin aanu bilownay farsamo cusub oo Waddooyinka dalka lagu samayn doono hadii lagu guulaysto.
Farsamadan cusub oo loogu yeedho “ Top Seal White and Top Seal Black” ayey soo minguuriyeen Muwaadiniin reer Somaliland ah isla markaana kaashanaya khubaro ka socota Cariga Ingriiska
Badhitaano badan oo lagu sameeyey saamaynta tabban ee ay keeni karto “Side effects” ayaa la xaqiijiyey in aanay dadka iyo deegaankaba wax dhibaato ah u gaysanayn sidoo kale farsamo yaqaanada takhasuska gaarka ah u leh waddooyinka ayaa soo jeediyey in qodobka uugu muhiimsan dhanka tayyada jidadku ay tahay caro-tuulka la dhigo daamurka ka hor waxaanay sheegeen in Kimikooyinkani “Chemicals” aad uugu fiican yihiin isku haynta caro-tuulka sidoo kalena bilic ahaana yihiin kuwo aad u heer sareeya
Maalmo kahor ayey ahayd markaan Bandhiga farsamadan kaga qaybgalnay hotelka Maansoor ee Caasimada Hargeysa halkaas oo ay khubrada ka socotay Shirkadu faahfaahin ka bixiyeen dunida iyo sida looga isticmaalo farsamadan.
Hadii lagu guulaysto farsamadan cusub ayaa waxaan rajaynaynaa in ay 50% yarayn doonto kharashkii ku bixi jiray samaynta jidadka dalka.
Tijaabada Farsamadan ayaanu ku bilownay waddada tegta Jaamacadda Hargeysa University oo dayac badan ku jiray.
Marwalba waxaanu dedaal uugu jirnaa maadama dalkeenu yahay dal curdin ah oo aanan caawin ka helin dawladaha caalamka in aanu keeno qaab walba oo inoo tashiili kara kharash kasta oo inaga baxaya inaga oo aanan marnaba ka tanaasulayn tayada wanaagsan ee raandhiiska leh
Guud ahaan waxaan uugu baaqayaa shacabka reer Somaliland ee khibrada iyo aqoonta-ba u leh qaybaha kala duwan ee horumarka in ay kaalintooda ka qaataan horumarinta dalka iyagoo uuga faa’idaynaya khibradaha kala duwan ee ay ka dhaxleen dalalka horumaray ee ay ku noolyihiin, anaguna ka xukuumad ahaan waxaanu ku qaabilaynaa qalbi furan.”
Hadal Yar iyo Hawl Badan waa Horumarkeena
Wa Bilaahi Tawfiiq
SDN/QJ