Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Kilalka Bishigo Ee Koonfurta Itoobiya Iyo Kulamadii ay la qaateen Wufuudii kala duwanayd
Adis-ababa 12.Dec 2014 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo uu wahelinaayo guddoomiye ku xigeenka aqalkaasi Md:Baashe Maxamed Faarax, oo socdaal ku jooga dalka Itoobiya si ay uga qayb galaan xuska qoomiyadaha dalkaasi Itoobiya isla mar ahaantaana ku socday marti qaad ay ka heleen madaxda sar sare ee dawlada faderaalka wadankaasi, ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey kililka Bishigo ee koonfurta wadanka Itoobiya oo xuduud la leh wadanka Koonfurta Suudaan,isla mar ahaantaana martigalinaaya munaasibada xuska qoomiyadaha dalkaasi Itoobiya.
Waxaana garoonka diyaaradaha caasimada kililka Bishigo ee Asooso ku qaabilay isla mar ahaantaana si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweynaha Kilalkaasi Md:Axmed Nasiir,Xildhibaano heer faderaal ah,iyo madax kale oo aad u tira badan oo ka tirsan Kilalka Bishigo.
Hadal kooban uu madaxweynaha Kilalkaasi Bishigo Md:Axmed Nasiir uu ka yidhi soo dhaweynta guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland iyo guddoomiye ku xigeenkiisa,ka hor intii aan loo soo galbin goobta ay munaasibada xuska qoomiyadaha Itoobiya ka dhicday, ayaa sheegay in uu si aada ugu mahad celinaayo guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) aqbalaada uu ka aqbalay in uu kala soo qayb galo xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya, waxaana uu sheegay in uu gacmo furan uu ku soo dhaweynaayo imaatinkiisa magaalada Asoosa ee Kililka Bishigo.
Madaxweynaha Kilalka Bishigo Md:Axmed Nasiir, waxaa uu sida oo kale uu ku amaanay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cirro sida qiimaha badan ee uu mar walba ugala soo qayb galo shacbi weynaha ku dhaqan dalka Itoobiya xuska maalinta qoomiyadahooda.
“Waxaan halkan kugu soo dhaweynayaa mudane guddoomiye adiga iyo waftiga kula socdaba qalbi furan iyo gacmo furan, waxaan aad faraxsanahay imaatinkaaga kilalka Bishigo oo waxaad tix galisay marti qaadka uu ku fidiyey guddomiya golaha baarlamanka ee dawlada faderaalka Itoobiya , munaasibada lagu maamuusayo xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo aanu sanadkan marti galinayno”Ayuu yidhi madaxweynaha Kilalka Bishigo ee dawlada faderaalka Itoobiya
Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), oo isna halkaasi ka hadlay aya dhankiisa waxaa uu si aada madaxweynaha Kilalka Bishigo ee dalka Itoobiya Md:Axmed Nasiir uu uga mahad celiyey sidii diiranayd ee uu u so dhaweeyey, waxaana uu si aada ugu hambalyeeyey xuska maalinta qoomiyadaha dalka Itoobiya ee ay marti galinayaan,isaga oo sida oo kalena u rajeeyey in ay guul ku waaraan.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka sheekeeyey taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya,waxaana uu tibaaxay Labada wadan ay wadaagaan taariikh aad u dheer oo ku qotanta xidhiidh walaal tinimo oo ay wadaagaan labada dawladood.
Intaas ka dib waxaa waftigii uu hogaaminaayey guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), loo galbiyey goobta ay ka dhacayso xaflada lagu xusaayo xuska maalinta qoomiyadaha dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qayb gali doono xuska munaasibada qoomiyadaha dalka Itoobiya ee sanadkan uu marti galinaayo Kilalka Bishigo ee koonfurta Itoobiya sida oo kalena xuduud dhaw la wadaaga wadanka Koonfurta Suudaan.
Madaxda kale ee ka qayb galaysa xuska maalintan waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti Md:Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha wadanka Koonfurta Suudaan Cumar Al-bashiir oo iyaguna ku sugnaa goobta ay ka dhacayso munaasibada xuska qoomiyadaha dawlada faderaalka Itoobiya.
Dhanka kale guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland sida oo kaelna ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,waxaa uu ka hor intii aanu u soo ambabixin Kilalka Bishigo ee uu ku sugnaa magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Adisababa uu kulan la qaatay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalka Itoobiya, waxaana ay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay ugu muhiimsanaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa ka hor tagida waxii amni darro ah ku ah guud ahaanba mandaqada ee argagaxisada iyo sida oo kale budhcad badeeda,waxaa kale oo ay isla soo hadal qaadeen xaalada guud ee hada ay ku sugan tahay Somaliland, iyaga oo labada dhinacba ay sida oo kalena isla soo hadal qaadeen arrimaha doorashooyinka, warbaahinta iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya, waxaa dhankiisa uu sheegay sida ay ka dawlad ahaan ay u danaynayaan sidii ay Somaliland ay horumar uga sii samayn lahayd dhinaca hirgalinta dimuqraadiyada, isla mar ahaantaana ay si xooga u rajaynayaan in sanadka soo socda badhtamihiisa ay dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka turjuma rabitaanka shacbiga reer Somaliland.