|

Wax ka Baro Labaatanka Nooc ee Maraykanku u Ciqaabo Maxaabiista ku Jirta Jeelka Guantanamo Bay

Washington 12.Dec 2014 (SDN/QJ)- Warbixintii uu soo saaray golaha odayaasha Maraykanku ee ka hadlaysay hababkii ka baxsanaa bani’aadamnimada ee ay wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA u ciqaabtay maxaabiista lagu xidhay Guantanamo Bay ee tuhunnada la la xidhiidha argagaxisada loo qabtay intii ka dambaysay weerarradii 11 Sebtamber 2001da lala beegsaday dalka Maraykanka. Hababkan arxan darrada ah waxaa ku jira nooc kasta oo qofka bani’aadamka ah jidhkiisa loogu xad gudbi karo, iyo meel ka-dhacyo waaweyn oo loo geystay karaamada bani’aadnimada. Warbixintan soo baxday salaasadii 10kii bishan koowaad, oo qaybo ka mid ah uu Geeska Afrika ka soo qaatay shabakadda Al-Jazeera, ayaa lagu sheegay in hababka ugu caansan ee maxaabiistan loo ciqaabi jiray ay ka mid tahay, qofka oo isaga oo aan ka sii warqabin biyo lagu rido si loo moodsiiyo in uu biyo ku qaraqmay, garaacis xooggan, koronto lagu dhejiyo, hurdada oo loo diido, dullayn iyo in loogu hanjabo in lagula kacayo xad-gudub jinsi ah.

Guantanamo-bayWarbixintan Aljazeera soo koobtay ee uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu soo bandhigay 20 ka mid ah ciqaabahaas iyo dhibaatooyinka jidheed ee ay u geysteen maxaabiista ku xidhnaa xabsiyo kala duwan oo qaarkood qarsoodi yihiin, kuna dhex yaallaan Maraykanka gudihiisa iyo kuwo dibaddiisa ah oo uu ku jiro Guantanamo Bay oo ku yaalla gacanka Cuba.

Biyo ku qarqin iyo dhimasho:

Baadhayaasha wakaaladda sirta Maraykanka ee CIA ayaa maxaabiista ay xogta ka soo saarayaan u adeegsaday hab-ciqaabeed ah in la moodsiiyo maxbuuska in uu biyo ku qaraqsamay, arrintaas oo marar badan maxaabiistan ku keeni jirtay matag, muruqyada oo si kedis ah u guntama ama isugu soo urura iyo xanuuno dhinaca neerfaha ah. Maxaabiista la mariyey ciqaabtan ah in la moodsiiyo in ay qaraqsameen waxaa ka mid ah, Abu Zubayda, oo ah muwaadin Sucuudi ah oo ku xidhan xabsiga Guantanamo Bay, lana aaminsan yahay in uu xubin ka yahay ururka Al-Qaacida. Dhaawacyo badan ayaana Abu Zubaydah ka soo gaadhay hab ciqaabeedkan bani’aadamnimada ka baxsan.

Khaalid Sheekh Maxamed oo isna ay Maraykanku aaminsan yihiin in uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Qaacida ayaa isagana ciqaabtan oo kale la mariyey. Khaalid Sheekh Maxamed oo u dhashay dalka Kuweyt waxa uu Maraykanku ku eedeynayaa in uu yahay maskaxdii soo qorshaysay qaabkii uu u dhacay weerarkii 11 Sebtamber lala beegsaday Maraykanka, waxa aanay warbixintan hadda soo baxday sheegaysaa in baadhayaasha Maraykanku ay ku ciqaabeen in ay biyo ku qarqiyaan, taas oo mar keentayba in uu si run ah u qarqoomo, dhimashana ku sigtay. Baadhayaasha CIA ayaa la sheegay in marka ay u tagayaan maxaabiista ay waraysanayaan ay sii qaataan sanduuqa maydka lagu rido, si uu maxbuusku u arko, una rumaysto hanjabaaddooda ah in ay dili doonaan.

Qabow xadka ka baxsan:

Warbixintan ka waramaysa hababka bahalnimada ah ee ay CIA u ciqaabto dadka ay ku tuhmayso in ay ka Al-Qaacido ka mid yihiin waxaa lagu sheegay in la adeegsan jiray habka lagu magacaabay hoos u dhigidda heer-kulka. Kaas oo ah in qaboojiyeyaal awood badan lagu rakibo qolalka maxaabiista, kadibna darajo aad u hoosaysa la gaadhsiiyo qabowga. Sida ay warbixintu sheegayso waxaa la aaminsan yahay in maxbuus ku xidhnaan jiray Guantanamo uu qabow u dhintay markii habkan loo ciqaabay. Madaxa baadhayaasha CIA da ee xabsigan loo diray ayaa isagu ku andacooday in xabsigan Guantanamo qaybtiisa loo yaqaannay Colbert ay ahayd sida dhufayska oo kale. Halka uu masuul kale oo xil sare ka haya CIA sheegay in Colbert uu yahay xabsi u diyaarsan qaab ku habboon waraysiga maxaabiista, arrintaas oo markii loo dhabbo galayna ay soo baxday in farsamada iyo nidaamka u diyaarsan waraysiga ee uu sarkaalkani sheegayaa uu yahay ciqaabtan qabowga ah iyo xabsigan oo ay ku dhex yaallaan barkado uu ku rakiban yahay qalab biyaha ku jira baraf ka dhigaya oo loogu talo galay in maxaabiista lagu rido, si loo ciqaabo.

Hurdo iyo go’doomin:

Maxaabiista waxaa lagu qasbaa in ay hurdo la’aadaan saacado badan oo mararka qaarkodo gaadhaya illaa 180 saacadood, iyaga oo weliba saacadahaas ku qasban in ay taagni ku dhamaystaan, oo weliba mararka qaarkood ay u sii dheer tahay in labadooda gacmood lagu soo xidho saqafka ka sarreeya, si aanay u fadhiisan karin. Ficilladan cadaawadda ah maxaabiista la mariyey waxa ay warbixintu sheegtay in ay soo gaadheen dhibaatooyin caafimaad darro oo kala duwan, waxa aanay tusaale u soo qaadatay saddex maxbuus oo inta qaabkan loo ciqaabay uu ku dhacay khalkhal maskaxda ahi (Waashay). Laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in baadhayaasha CIA iyaga oo arka dhibta ay ciqaabtani ku keentay dadkii ay mariyeen, haddana in aanay joojin ee ay sii wadeen, dad badan oo dambana ku ciqaabeen.

Waxa intaas dheeraa maxaabiista qaar qolal madow oo aanu wax ilays ahi soo gelayn lagu xidho waqtiyo badan, waxaa u sii dheeraa muusig si aanay dhegaha aadamuhu u adkaysan karin dhawaqiisa loo dallacay iyo codad buuq iyo sawaxan ah oo lagu furi jiray sameecado ku dhex yaalla qolalka ay maxaabiistu ku jiraan. La soco…

Comments are closed