|

Xagjiriinta caalamka oo bil qura caalamka ku laayaay 5,000 oo ruux

London Dec 11,2014(SDN/QJ)-Baaritaan ay sameysay warbaahinta BBCda ayaa waxa lagu sheegay in Bishii November ee sanadkan in dagaalyahanada Islamiyiinta ay dunida ku dileen 5,000 oo ruux oo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka ugu tirade badani ay ku dhinteen dalalka Ciraaq, Syria, Afgaanistaan iyo Nigeria.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in bishaasi saacad walba oo ka mid aheyd ay dhimanayeen 7 ruux oo ku nool degaanada Islamiyiintu ka dagaalamaan.

Guud ahaan tirade dadka dhintay oo ahaa 5,024 intooda ugu badan 2,079 waxa ay ahaayeen dad rayid ahaa, halka 1,723 ay ahaayeen Ciidan, waxa sidoo kale warbixintu sheegatay in dagaal yahanada laga dilay 1,000 oo ka mid ahaa askartooda.

Kooxaha Islaamiyiinta ah ee loo aaneeyay dhimashada dadkan ayaa la sheegay in ay ku abtirsadaan kooxda Al Qaacida.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed