Guddoomiye Ilka Xanaf Oo Hay’adaha Dambi Baadhista Uga Digay Inay Dadka Xabsiyada Mudd-dhaaf Ugu Haystaan
Muqdisho:Dec,11,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalia Caydiid Ilka-xanaf, ayaa uga Digay Ha’yadaha dambi baadhista inay maxaabiista ay gacanta ku hayaan si sharciga ka baxsan ugu haystaan xabsiyada dalka.
Guddoomiyaha ayaa dhawaaqan kasoo baxay kaga jawaabayey cabashooyin kasoo yeedhay ehallada iyo qaraabada dadka maxaabii shaan loo soo qabqabtay oo muddo dhaaf xabsiyada loogu haysto.
Ilka Xanaf oo arimahaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay inay jiraan Howlo badan oo isku dhex yaacsan kuwaasi oo u baahan in wado sharciga waafaqsan wax looga qabto.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu hadalkani ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, laguna xusayay maalinta Xuquuqda Aadanaha, waxana uu ku adkaystay inaanay jiri Karin muwaadin saldhigga loogu hayo muddo-dhaaf.
Ilka xanaf ayaa waxa uu sheegay in qalad weyn ay tahay, walibana Dastuurka oo la jabiyay ay tahay in gacanta lagu hayo qof dambi loo haysto muddo ka baxsan inta Dastuurka uu ogol yahay, waxa uuna taasi ku sheegay mid ka hor imaneysa Jiritaanka Dastuurka dalka u yaalo.
Isaga oo arrintaasi bayaaninaaya ayaa waxa uu Carabka ku dhuftay in Hay’adaha Booliiska iyo Nabad sugidda ay qofka dambiile ah hayn karaan muddo 48 saacadood, wixii intaas ka dheerna ay dambi noqon karto.
Waxa uu sheegay in Hay’adaha Amaanka khuseeyo ay xor u yihiin in 48 saac ay Muwaadinka howshooda uga gutaan haddii taasi ay suuragali weydana ay u gudbiyaan Maxkamadaha ama ay xoriyadiisa siiyaan waa haddii lagu waayo dambiyadii loo xidhay.
Si kastaba ha ahaatee Ilka xanaf ayaa waxa uu ka digay in la baalmaro shuruucda u degsan dalka, waxa uuna ku baaqay in ay soo sheegaan hadii ay jiraan dad ay ogyihiin islamarkaana xidhan muddo ka badan 90 cisho, iyaga oo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com