Akhri Magacyada Wasiirro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Quud-darraynaya Xilka Ra’isal Wasaaraha Somalia Iyo Qaarkood Oo Muqisho Ku Sugan
Muqdisho:Dec,11,2014(SDN/QJ)-Qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland, ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxana y gucle ugu jiraan sidii loogu magacaabi lahaa Ra’isal wasaaraha Somalia oo haatan ku mashquulsan Xulashadiisa.
Wararkan ayaa intaas ku daraya in xubnahan ka tirsan Wasiirada Puntland oo dhowaan safar ku tagey magaalada Muqdishu kulamo la qaateen la taliye-yaasha aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.
Xubnahan ka tirsan Maamulka Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo u sharaxan xilka Ra’isal wasaaraha Somalia, waxaana kamid ah Wasiirka Waxbarshada Puntland Cali Xaaji Warsame.
Cali Xaaji Warsame oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan inuu gudbiyey codsigiisa ku aadan inuu xilkan musharax u yahay.
Wasiirka Waxbarshada Cali Xaaji Warsame oo u tartamey xilka Madaxweynaha Puntland Jan 8 2014 ayaa hore safaro aan kala joogsi laheyn ugu amabaxay wadanka dibadiisa iyo magaalda Muqdishu taasoo dadka siyaasada falanqeeya ku macneeyeen inaanu wanaagsaneyn xidhiidhka shaqo uu la leeyahay Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.
“Waxaa muuqata in dhamaan xubnaha xilal ka haya Xukuumada Madaxweyne Gaas ee hadda talada haysa iney xilalka ay hayaan u isticmaalyaan Jaran-Jaro looga sii gudbo magaalada Muqdishu” sidaas waxaa yidhi siyaasi ku nool magaalada Garowe.
Magaalada Muqdishu oo uu ka socdo loolan siyaasdeed ayaa wararka aan ka helayno sheegayaan iney siyaasiyiin farabada ee kasoo jeeda Puntland u sharaxan yihiin xilka Ra’isal Wasaaraha Somalia.
Xubnahan ayaa waxaa kamid ah Khaliif Ciise Mudan, Cali Cabdi Awaare, Siciid Dani, Cabdulqaadir Xaashi iyo xubno kale oo farabadan.
Madaxweynaha Somalia oo kulan dhowaan la qaatey Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Somalia ayaa sheegey in dhowaan uu soo magacaabi doono Ra’isal Wasaaraha Somalia.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulan la qaatey Xildhibaanadii diidanaa Mooshinka ka dhanka ahaa Ra’isal Wasaare Cabdiweli Shiikh ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in lagu soo hadal qaadey magacaabista Ra’isal wasaaraha Somalia.
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa wel-wel ka qaba in Ra’isla wasaaraha cusub ay diidaan Xidhibaanadii kasoo horjeedey Mooshinkii ka dhan ahaa Cabdiweli Shiikh.
SDN/QJ