Kenya Oo Ka Cadhootay Tacaddiyo Ciidankeedu Geystaan Oo Al-jazira Laga Sii Daayey, Baadhitaanna Dalbatay
Nairobi:Dec,11,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa shaacisay inay ashkato ka Gudbisay warbixin dhawaan TV-ga Al-jaziira ka Baahiyey Hannaanka Ciidanka Sirdoonku ula macaamilaan dadka ay xidhaan iyo dilal sharcidarro ah oo ay si hoose u geystaan.
Dacwaddan ayaa la gaadhsiiyey golaha warbaahinta Kenya,waxana ay codsatay in baadhitaan lagu sameeyo Wariyayaasha Jasiira oo sameeyey Warbixin Documentary ah xukuumadda ku eedeeyey geysashada Dilal qarsoodi ah.
Barnaamijkan ayaa televishinka ka baxay maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay, waxaana lagu qeexay in ciidamada booliska Kenya ay leeyihiin koox dilalka fulisa.
Saraakiisha Booliska dalka ayaa beeniyay eedeyntaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
War qoraal ah oo loo diray xafiiska wararka ee xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha Ambassador Monica Juma ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta ay arintan quseysa ku amraya in ay bilaabaan baadhitaan lagu sameynayo barnaamijkaas iyo dacwado ka dhan ah dhamaan kuwa ku lug leh.
Dowlada ayaa eedeyn dusha uga tuurtay al-jazeera, waxaana ay barnaamijka laga sameeyay arintaas ku tilmaantay mid fadeexad ah isla markaana aan anshaxa waafarsaneyn.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com