Saraakiil Dawladda Somalia u Qaabilsanayd Degmada Baraawe Oo Loo Xidhxidhay Dhuxul Laga Dhoofiyey Halkaas
Barawe:Nov,28,2014(SDN/QJ)-Saraakiishii Dawladda Somalia u qaabilsanayd Magaalo xeebeedda Barawe oo dhawaan laga saaray Kooxda Al-shabaab, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii la waayey Dhuxul tiro badan oo Tuulnayd Dekedda Magaaladaas, taas oo si tuuganimo ah loo dhoofiyey.
Warka xidhitaanka Saraakiishan ayaa waxa saxaafadda u xaqiijiyey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmad Cali daahir, waxana uu sheegay Arrinta dhoofinta dhuxusha uu hore Amar uga soo saaray Madax weynaha jamhuuriyadda Soomaaliya,kaasi oo ahaa in talaabo laga qaadi doono cidii lagu helo falkaas.
“Baadhitaan ayaan u baxnay aniga iyo xubno kale oo ila socday waxaan soo ogaanay in degmada Baraawe laga dhoofiyay dhuxul,waxaa noo suurto gashay in gacanta aan ku soo dhigno dadkaasi sida sharci darrada ah dhuxusha u dhoofinayay,hadda way xidhanyihiin waxaana si dhab ah loo baadhayaa dacwadaha loo haysto” ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha Qaranku.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Sanadka Cusub ay xafiisyada Xeer ilaalinta laga furi doono Toban Gobol oo ka tirsan Gobolada dalka wuxuuna tilmaamay in la meel mariyay sharciyadii ay ku shaqayn lahayeen taas oo uu uga Mahad celiyay madaxda dowladda.
Wali si faahfaahsan looga shaacin tirada Saraakiisha xidhan, balse waxa la sheegayaa inay ku jiraan Guddoomiyihii Degmadaas iyo saraakiil kale oo dhinaca dekedda qaabilsanayd.
SDN/QJ